Golaha wasiirada oo fadhi hore ku ansixiyay xubnaha magacaabista ku imanaya ee Golaha Garsoorka ayaa maanta dib u sixid iyo badel ku sameeyay xubin ka mid ah. Xubinka la badeley ayaa ah Mudane Cabdiqaadir Cali Macalin, waxaana lagu badeley Mudane Aadan Kuuloow Macalin Qaasim.
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran si loo dardargaliyo hawlihii socday.
RW Xamsa oo la caweeyay shacabka Laascaanood , isaga oo socod ku maray bartamaha magaalada, waxaa wehliyay hoggaamiyaha Waqooyi Bari Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw Cali.
The Cabinet chaired by DPM Salah today unanimously approved the establishment of the Judicial Service Commission, endorsing the appointment of four commissioners. The remaining members will serve by virtue of their positions in accordance with the provisions of the Constitution.
Raโiisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Dowladda Qatar ee magaalada Muqdisho, si uu uga tacsiyeeyo geerida ku timid Alle ha u naxariistee Amiirkii hore ee Dowladda Qatar, Marxuum Sheekh Xamad bin Khalifa Al Taani.
RW Xamsa ayaa soo gabogabeeyay safar shaqo oo kuu joogay Galmudug, halkaas oo lagu guuleystay in Isfaham dhab ah laga gaaro arrimaha doorashada Qof iyo Cod, taas oo dhowaan bilaaban doonta.
Raโiisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sacuudiga u qaabilsan Soomaaliya Mudane Axmed Bin Maxammed Al-Muwalad, waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal.