Bismillaah. Caawa waxa aan ka qeybgalay bandhigga buugga cusub ee la magac baxay “Iftiimin ku Saabsan Dastuurka iyo Shareecadda”, oo uu qoray caalimka weyn, Sheekh Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil Mire.
Sheekh Dr. Ahmed waxaan uga mahadcelinayaa dedaalka uu geliyey qorista buuggan qiimaha badan.
Alla mahadleh…
Bismillah….
Maanta oo ay taariikhda 23kii july waxaa booqasho noogu yimid Gudoomiye Cabdirishiid Yusuf Jibriil waxaanuna yeelanay kulan muhiim ah.
Kulanku wuxuu ahaa is xog waraysi muhiim ah oo diiradda lagu saarayey habsami u socodka shirweynaha dhamaystirka dhismaha dawlad-goboleedka SSC-Khaatumo. Waxaa kulanka lagu falanqeeyey xaaladda siyaasadeed ee gobolka, marxaladaha hore ee la soo maray, iyo sidii loo dardargelin lahaa geeddi-socodka dhismaha hay’adaha dowladeed.
Waxaa hadda shaki ku jirin in waraqaddii kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland si rasmi ah loogu daabacay boggeeda rasmiga ah. Tani waa tallaabo xadgudub iyo meel-ka-dhac ku ah madaxbannaanida maamulka SSC-Khaatumo oo dadka deegaankaasi si buuxda ugu dhisteen talo-sharciyeed iyo rabitaan dadweyne.
SSC-Khaatumo waa maamul goboleed rasmi ah oo ka mid ah maamulada hoos yimaada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Sidaa darteed, tallaabooyinka noocan oo kale ah waxay dhaawacayaan wadajirka, isku duubnida iyo kala dambeynta nidaamka Federaalka Soomaaliya.
Waxaan si cad u muujinaynaa in ficillada noocan ah ee sii socda aysan wax wanaag ah horseedaynin, balse ay sii hurinayaan kala fogaansho iyo jahawareer siyaasadeed. Waxaa loo baahan yahay in la dhowro xeerarka iyo habraacyada dowladnimo ee dalka, lagana fogaado faragelin kasta oo ka dhan ah maamul-goboleedyada sharciyeysan ee dalka ka jira.
Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ay quseyso in arrintan si degdeg ah loo saxo, lana xoojiyo wada-shaqeynta iyo ilaalinta midnimada dalka Soomaaliyeed.
Waxaan si cad u sheegayaa in waraqadan la wareejinayo ee wadata magaca iyo sumadda wasaaradda arimaha gudaha ee puntland, haddii ay dhab noqoto, ay tahay qalad siyaasadeed oo culus. Waxaa muuqata in talaabadan loo qaaday dhinac khaldan, iyadoo lagu xumaynayo xidhiidh horeyba u ahaa mid tabar daran oo u dhexeeya Puntland iyo SSC-Khaatumo.
Waxaana rajeynayaa in warqadani noqon doonto waxba kama jiraan aan kasoo bixin wasiirka arimaha gudaha e puntland.
Alaa mahad leh
Abdirisaq ibrahim Ataash
Waraysi kooban oo aan siiyay telifishionka SMS Somali tv oo aan kaga hadlay aragtidayda ku aadan shirkii maanta ka dhacay caasimada maamulka SSC khaatumo ee laascaanood.
Bismillah….
Waxaa bilaabmay wada hadallo hor dhac, kuwaas oo aan aaminsanahay in ay iftiin cusub u horseedi karaan masiirka ummadda. Inkasta oo ay yihiin wejigii hore ee isfahamka, haddana tilmaamihii ugu horreeyay waxay muujinayaan rajo iyo yididiilo wanaagsan.
Waxaa la ogsoon yahay in talada iyo aayaha degaanku ay u baahan tahay go’aan ka gaaris mideysan, faham siyaasadeed oo furan, iyo geesinimo lagu gaadho heshiisyo iswada ogol ah.