25 ka hor waxaa shir soomaalida la isku keenay lagu doortey Madaxweyne Dr Cabdiqasim Salaad Xasan.Waxaa lagu xusuustaa oraahdii caanka noqotey ee ahayd , “cidna uma maqna,Ceelna uma qodna”.
25 sanno Kedib, Dalkeenna waxaa dunida kaga diiwaan gashan waa qaran fashilmay, musuq, tuugeysi, cadaalad daro, baahi, burbur, dil joogto ah iyo dowlad xumo tii ugu hooseesay hareysay.
Cidna uma maqna, ceelna uma qodna.
Rabbi Talo ku filan.
Qoor Qoor ayaa hadda ka hor u magacaabay wasiirka Amniga Galmudug ninkaan,suu ugu niikinaayey oo qofkii Qoor Qoor wax ka sheega u caayeyey ayuu habeen madow Qoor Qoor xilka ka qaaday.
Subixii waagu markuu baryey,Ahlusnno oo difaac uga jirtey meelo kamida Galmudug ayuu wicitaan kusoo bilaaway,hadde ogow maalmo ka hor iyaga ayuu mediaha ka weeraraayey,Qoor Qoor ma xishoodo waana la dagaaleynaa camal.
Ninkaan waa ninka laga diiwaan geliyey afkiisa,kelmadda Ayax Jadiid oo uu ka waday kooxda HSM,iney yihiin koox maafiyo ah oo aan waxba xeerineyn dalkaana aan looga baahneyn.
Ninkaan oo ey Soomaalidu wada taqaan,ayaa maanta madaxdii Dalkaan soo xukuntey laga celcelinaa,hadde waa Sheikh Shariif cid kale maaha.
Ninkaan ma yaqaan berri iney jirto,oo sida Saaxiibbadii HSM,Taliye Mahad Salaad,Wasiir Cabdirisaaq,guddoomiye Madaale iyo rag kale oo badan qoorta la qaban karo habeen madow.
Nin Baahan gob maaha ayey Soomaalidu tiraa.HSM wuxuu maalin walba barakicinayaa dadkii uu ku metelay Dowladnimada ninkaan,isaguna niiko maalin joog ah ayuu ku jiraa.Wasiir arrimo dibadeed oo is mooda Wasiir warfaafin.
Soomaaliya ayaa u hibeysay Ethiopia iney awood u yeelato ama hesho bad.Ethiopia oo dagaal ku heysay dowladnimadda Soomaaliya waqti dheer ayaa xaqiijisay waxay u ordeysay qarniyaalka.
Ethiopia,ayaa si aan ganbasho lahayn culeys guddaha iyo mid dibadda ahba saartey Soomaaliya,culeyskiina waa kaa u gooyey iney hanato hankeedii oo ahaa iney bad hesho.
Ethiopia,waxaa ku garab siiyey howshaan oo hiil iyo hooba la garab istaagay dowlado waaweyn oo dano kala duwan ka arkaaya marin biyoodka istaraajiiga ah ee badda cas ama Baabul-mandab.
Yhda,Turkiga,Mareykan,UAE iyo dowlado kale ayaa Ethiopia kala shaqeeyey iney xaqjiiso hadafkaan.Ethiopia ayaa hadafkeeda u martey wado kasta sida; iney buuq guddaha ah(Internal conflict) ka abuurto guddaha Soomaaliya,waxaana ugu danbeeyey taakuladii military iyo tii diplomaciyadeed ee jubbaland ey ku garab siisay iney ka adkaato nidaamka Xasan odayga ka yahay.
Soomaaliya ayaa u dabaal degtey taariikhda,iney ey wax weyn iyo hadyad qaaliya tahay iney Ethiopia oggolaato iney aqoonsantahay Madaxbanaanida Dalkeenna hadde ogow waa madaxbanaanida Dalkeenna oo aan qaadanay 64 sanno ka hor.
Taas ayaa Ethiopia u goysay in loo hibeeyo hadde loo hibeeyo aan ku celiyee marin biyood(bad),reer Xamarka ayaa ku mahmaaha cimrigaada oo raaga Geel dhalaa waa ku tusaa,madaxbaanideenna aqoonsada bad ayaan hadyad ahaan idiin siineynaa ayey maanta joogta taariikhda dalkeenna.
Waa taariikh ugub ah oo dalkeenna horay aan usoo marin.
Dalkaan in dheeldheel ka socato,waxaa ku ogaanee sharci shalay si xaaran ah BFS ku maray,oo uusan weli saxiixin Madaxweynaha dyqa ah ayaa lagu leeyahay wuu jabiyey Axmed Madoobe,ee sharcigaas horta ma yahay mid xalaal ah,ma dhammeystiranyahay mise loo dhanyahay.
Xitaa su’aalahaas la is weydiin maayo,Ummadda Soomaaliyeed dowladnimadeeda maa ciyaarta laga daayo.
Dhul boobka maa isma wataan oo howlahaan ka dhacaan!.
It was an esteemed privilege for me to pay a courtesy visit yesterday to the former Prime Minister of Somalia Hassan Ali Kheire and engage in discussions regarding the current situation in our country. His exemplary leadership, characterized by profound integrity and visionary insight,continues to resonate deeply within our community.
During our meeting,we reflected on the remarkable contributions of Prime Minister Khaire to the development and progress of Somalia. His tireless efforts in reorganizing our armed forces, negotiating debt relief agreements, and establishing robust government institutions have undeniably reshaped the trajectory of our nation's history.
As we discussed the challenges and opportunities facing our country(Somalia),Prime Minister Hassan Ali Kheire’s wisdom and guidance served as a beacon of hope and inspiration.His enduring commitment to the well-being and prosperity of our country has not only inspired me personally but has also ignited a sense of collective purpose and determination among our citizens.
I’m profoundly grateful for the opportunity to engage with Prime Minister Khaire and to benefit from his invaluable insights. As we continue our journey towards a brighter future for Somalia, we will remain steadfast in our resolve to uphold the principles of integrity, vision, and dedication that he embodies.