Wacyigalin: Amniga Fikirka, iyo Nafsiga
1. Khataraha Ka Imanaya Wararka Been Abuurka iyo Dicaayadaha
Waxaa Soomaaliya caadi ka noqotay in dadku si fudud u rumaystaan wax kasta oo lagu arko baraha bulshada, iyadoo aan la hubin runnimada warka. Waxaa jirta halis weyn oo ah in:
• Maskaxdaada lagu isticmaalo si aadan ogeyn, lana saameeyo hab fikirkaaga iyo dareenkaaga nafsadeed.
• Ilmahaaga iyo qoyskaga ay si toos ah ama si dadban ugu dhacdo saamayn fikir ama nafsadeed.
2. Aragtida Diinta Islaamka
• Diinta Islaamku ma ogola dhagaysiga beenta, xanta, iyo isku dirka dadka.
• Waxaa la faray qofka muslimka ah in uu xaqiijiyo warka uu maqlo ama akhriyo kahor inta uusan gudbin ama uusan rumaysan.
• Waa waajib in ilaha wararka la xaqiijiyo, lana hubiyo in xog-wariyuhu yahay qof lagu kalsoonaan karo oo run sheeg ah.
3. Feegjignaan Laga Qaato Baraha Bulshada
• Xilligan aan noolnahay waa xilligii baraha bulshada, waana in si feejigan loo wajaho wararka ay faafinayaan .
• Maalin kasta waxaa lagu daabacaa malaayiin xog ah, balse dhammaan ma aha kuwo sax ah, qaarna si ula kac ah ayaa loo faafiyaa si dad ka loogu khaldo ama loogu kala qaybiyo ama amnigooda loogu saameeyo.
4. Dowladaha Aduunka iyo Sharciga Caalamiga ah:
• Dowladaha adduunka waxay sameeyeen shuruuc adag oo lagu maamulo isticmaalka baraha bulshada si ay bulshadooda uga ilaaliyaan saamaynta dicaayadahaaha duminta ah iyo been abuurka.
• Qawaaniintaas waxay mamnuucayaan faafinta wararka been abuurka, dacaayadaha, iyo magac dilka.
• Qofkii lagu helo ku xad-gudubka shuruucda, waxa uu mutaysanaa ciqaab sharci ah.
Fekerka qofka waa tiir muhiim ah oo lagu ilaaliyo nabadda iyo midnimada bulshada. Waxaa naga wada saaran mas’uuliyad ah in aan iska ilaalino faafinta beenta, iska hubino xogta, kana hortagno dacaayadaha iyo been abuurka.
١. من لم يُحسن قراءة صمت العدو، لن يُحسن فهم صوته في ميدان القتال.
٢. النصر لا يُولد في المعركة، بل يُبنى في الخفاء، حيث تُرسم الخطط وتُختبر النفوس.
٣. لا تُقاتل لتُثبت قوتك، بل قاتل حين يكون القتال ضرورة لا مفرّ منها.
٤. الجيش الذي يتحرك بلا هدف، كالسيف في يد المرتجف.
٥. أشدّ الحروب ليست ما يُخاض بالسلاح، بل ما يُخاض بالعقل والصبر وضبط النفس.
منقول كتاب فن الحرب سن تزو..
On August 6, 2011, Al-Shabaab was expelled from Mogadishu through a coordinated military operation that involved house-to-house and street-by-street fighting. At that time, there were no major security breaches or infiltrations.