HSM was completely ignored.. standing in the back while his colonial master Erdogan chatted with Abiy Ahmed. The body language was clear.. Erdogan gave Ethiopia the priority, shaking Abiyโs hand 1st, while @HassanSMohamud waiting for these 2 men to finish talking ๐
H.E. @M_Farmaajo: โHabraaca sharci darrada ah ee lagu furay Dastuurka iyo wakhtigan oo aan ku habboonayn furistiisa awgeed, waxaan ka gaabsaday in aan ka qeyb-galo fadhiyada Golaha Shacabka ee ku saabsan doodda aan sharciga ahayn ee beddelidda Dastuurka dalka.
Duruufaha halista ah ee ku xeeran qarannimadeena waxay ahayd in hoggaanka dalku ay ka shaqeeyaan midnimada iyo wadajirka, si aynu u wajahno khatarahaas ka dhanka ah jiritaankeenna iyo dowladnimadeenna ee ka imaanaya dibadda iyo gudaha.โ
KU DHAQAN LA'AANTA WAXAAN DHIGANAY
Sidaan bilowgii doodda labada Aqal uga jeediyey,waxaan mar walba aaminsanahay in arrinku uusan ahayn diidmada wax ka beddalka Dastuurka oo keliya,balse arrintu tahay maxaa Baarlamaanka JFS xilligan adag ahmiyad 1aad u ah!
Maanta waxaa la sugayey in Ajendaha marka 1aad la ansixiyo,la akhriyo soo jeedinta Xildhibaanada kadibna cod loo qaado si uu u noqdo ansax Habraaca wax ka beddalka Dastuurka ee maanta labada Aqal la horkeenay.
Runtii waxaa meeshaa ka dhacay waa mid ceeb ku ah Baarlamaanka;waa mid taariikh mugdi ah gelisay Baarlamaanka;waa mid niyad jab ku reebtay Shacabka Soomaaliyeed ee sugayey u jahaynta Difaaca Dalkeena lagu soo duuley.
Ansixintii Habraacii maanta waxaan ku tilmaami karaa boob iyo dhac loo geystay dareenka iyo qabka Shacabka Soomaaliyeed ee dowladnimada u ooman.
Dhanka kale,waxaan ummadda Soomaaliyeed ee aan matalo u caddaynayaa in aan mar walba u taagnahay ku dhaqanka wixii la ii dhaariyey,anigoo mar walba ah Codka kuwa aan Codka lahayn!
SOOMAALIYA HANNOOLAATO๐ธ๐ดโ