I’m so happy to see the Abudwak Public Library @MaktabaddaCW is finally ready to open. It sums up the efforts of the youth who has been desperate for years to make this happen. This is great news for the students, Teachers & book lovers to have that source of knowledge.
waxaa caawa sharaf iyo qiimo wayn noo ah, inaan ka miro dhalinay dadaalkeenii Furitaanka Maktabadda Guud ee Degmada Caabudwaaq, oo aanu in muddo ah howsheeda soo wadnay, waxaan aad ugu rajo waynahay in reer Caabudwaaq iyo reer Galmudug oo dhan ay ka faa'iiaysan doonaan Maktabadda
"Waxaa farxad ii ah caawa in ay miro dhasho hammi iyo riyo aan bilowgeedii wax ka lahaa, maalintii aan maktabaddaan bilaabaynay waxa ay ahayd hawl adag oo u baahnayd in loo dhabar adaygo hase yeeshee waxaan juhdi galinnay sidii arrinkaa looga dhabayn lahaa." Bishaar Bashiir.
Xildhibaan Fardowso Yusuf ciid, golaha shacabka baarlamaanka Galmudug, ayaa soo xirtay munaasabada iyadoo u mahadcelisay dhamaan bulshada ka soo qayb-gashay, una balanqaaday in ay door wayn ka qaadan doonto Maktabadda Degmada #Caabudawaq.
“Maktabadaan waxaa iska leh bulshada reer Caabudwaaq waxaa wajib ah in aan wada ilaalsano sida aan u ilaalsano nafteenna. Waxa aan rajaynayaa in wax wayn ka badasho wacyiga bulsha waynta reer caabudwaaq”
@HamdaBongo
#Gudoomiyaha waxbarashada Deg. Caabudawaq, Said muse Barre" Ilaahay baa mahad iska leh in aan halkaan iskugu nimaanay, waxaan u mahadcelinayaa aqoonyahanka Degmada caabudawaq oo u istaagay in la helo maktabadaan aan caawa ujoogno daah-furkeeda.