Somalia’s Stability Depends on Inclusive Political Agreement
Somalia stands at a critical crossroads. Many Somalis increasingly draw parallels between current political developments and the conditions that preceded the collapse of the Somali state in 1991. The growing concentration of political power, constitutional disputes, rising tensions in Mogadishu and deteriorating relations between the Federal Government and several Federal Member States have heightened national concern. Political disagreements are increasingly accompanied by security confrontations rather than constructive dialogue, while regional disputes risk escalating into wider instability.
Allegations of unlawful land and property allocations, weakening public institutions, declining public trust and increasing clan-based political polarisation threaten national cohesion.
These challenges are further compounded by economic stagnation, reduced investor confidence and the risk that extremist groups may exploit political divisions to expand their influence.
The path forward lies not in confrontation but in inclusive dialogue, national reconciliation and respect for constitutional governance. Somalia’s current political challenges can only be addressed through an agreed roadmap for an acceptable, credible and inclusive electoral process in which all stakeholders participate meaningfully.
To prevent further instability and create a conducive environment for peace and development, three priority measures are essential:
First, the immediate convening of a national consultative forum involving the Federal Government, Federal Member States, opposition groups, civil society and traditional leaders to rebuild political consensus.
Second, the establishment of an independent and broadly accepted electoral framework that guarantees transparency, inclusivity and public confidence.
Third, a commitment by all political actors to resolve disputes through dialogue and constitutional mechanisms rather than the use or threat of force. In addition, strengthening state institutions, protecting public and private property rights and promoting national reconciliation initiatives will be critical to restoring trust and safeguarding national unity.
The choice before Somalia is clear: pursue a shared national vision founded on consultation, inclusion and democratic legitimacy, or risk deeper fragmentation, instability and the erosion of the hard-won progress achieved over decades.
Mohamed Baldho
Wishing Eid Mubarak to everyone in London and around the world celebrating Eid al-Adha.
As families and communities come together, I hope this Eid brings peace, happiness and blessings.
The Somalia National Bureau of Statistics (SNBS) In collaboration with the World Bank, FAO, and WFP, it officially launched the country's first-ever Comprehensive Food Security and Vulnerability Assessment (CFSVA) report today. Disseminating CFSVA is a significant step toward more robust, evidence-based planning for humanitarian and development programs, NTP and SDG reporting, and food security.
Director General Dr. Abdisalam Abdirahman Mohamed emphasized the significance of the assessment and thanked the technical teams, enumerators, analysts, field supervisors, Federal Member State ministries, local authorities, and, most importantly, the communities who provided information. He also thanked partners WFP and FAO for their financial and technical support.
CULUMADA IYO KHUDBADDII JUMCADA
Shaley oo Jimce aheyd, culumo badan oo Soomaaliyeed ayaa khudbaddii salaadda Jimcaha uga hadlay xaaladda dalka ka taagan, gaar ahaan arrinta la xiriirta Somaliland oo xiriir aqoonsi iyo mid diblomaasiyadeed la sameysatay Israel.
Qaar culumada ka mid ah arrinkaas hore ayay uga hadleen, dadka ayayna uga sii digeen dhibta iyo khatarta ka dhalan karta. Waxaa kaloo jira kuwo arrinta socota u riyaaqay oo dareen iyo caaddifad qaaday, iyo kuwo kale oo naftooda u cabsaday, kana baqay in la xirxiro ama si dhuumaaleysi ah loo ugaarsado.
Haddaba culumada, in kastoo lagu mahadinayo baraaruggooda iyo hadalka ay bulshada u jeediyeen, haddana doorkoodu waa inuu ka sii weynaadaa intaas. Waxaa laga rabaa inay bulshada iyo madaxda si muuqata u wacyigeliyaan, kana digaan tallaabooyin lagu gelinayo ummadda meel aad u khatar badan iyo cawaaqibka xun ee ka dhalan kara.
Waxyaabaha maanta laga hadlayo, oo ay ka mid yihiin yihiin faragelinta shisheeye, hoggaan xumada ummadda ku habsatay, kala qeybinta bulshada iyo culayska dhaqaale iyo tabar darrada shacabka daciifeysay, ma ahan wax maanta curtay ee waa dhaawac muddo soo jiitamayay, culumaduna marar badan way ka gaabiyeen doorkii laga filaayay.
Sidaas oo kale, waxaa dawrkoodii ka gaabiyey aqoon yahankii, indheergaradkii iyo hal abuurkii. Halkii ay diinta, dadka iyo dalka u hiillin lahaayeen, qaar badan waxay wax ku qiimeeyeen qabiil iyo taageero ay u hayaan masuul xilkiisii gabay.
Mohamed Baldho
@BaraarugBulsho
PUNTLAND XAGGEE LAGU WADAA?
Waxaa soo batay masuuliyiin iyo shaqsiyaad ku dhow hoggaanka Puntland, oo u ololaynayaa in dalka la kala jaro. Waxaad aragteen dadkaas oo qaarkood Hargaysa u tagay dabaaldagga 18 May, oo ku astaansan maalin midnimadii dalka la kala dhantaalay.
Qof ahaan kama soo horjeedo horumarka, nabadda iyo maamulka Somaliland. Sidoo kale ma jiro nacayb iyo xumaan aan u qabo beesha Isaaq, oo runtii dad ahaan aad baan u qaddariyaa.
Waxa aan diidanahay, oo aan sharci darro u arkaa in dalka la kala gooyo. Waxaan kale oo sii diidanahay, haddii qolo dhulka intii ay daganayd goosanayso, in ay qolo kale khasbaan, oo sanka ka geliyaan fikir aanay raalli ka ahayn.
Waxaan marar hore weydiiyey reer Puntland, kuwooda kala goynta dalka aaminsan Puntland-na u arka in ay jidkaas qaaddo, bal in ay bulshada u sheegaan xuduudaha Puntland-ta ay rabaan?
Ma garan karaan!
Puntland waxaa lagu yagleelay aragti ka soo horjeedda:
1. Dowlad hal magaalo laga xukumo
2. Dalka in la kala gooyo.
Sidaas daraadeed, asaasayaashii Puntland waxay qaateen aragtida federaalka. Illaa iyo hadda aragti taa ka wanaagsan, oo reer Puntland hortaal ma jirto, sidoo kale inta miiska la soo saaray lagama doodin.
Hadda waxaa timid run kale oo ah in run lagu wajaho, waana jiritaanka maamulka Laascaanood ka dhismay.
Isweydiin waxaa leh, kuwa u ololaynaya goonigoosadka SL, oo hadana diidan jiritaanka WB.
Yey ku xumaynayaan?
Marka aad dhan walba ka eegto, waxaa kuu soo baxaysa in Puntland ay ka tagtay aragtidii lagu dhisay. Waxaa kale oo muuqata in aanay maanta jirin argti dowladeed oo reer Puntland si wada jir ah u daafacdaan, sida Hargeysa iyo Xamar, oo aragtiyahoodu qeexan yihiin.
Sidaa daraadeed, waxaa isweydiin leh, xaggee Puntland lagu wadaa?
Mohamed Baldho
@highlight
“Amas iyo Allooraa ina dhalay amase uur Maaxe, abtirsiinyo waa isugu taagaan odayadeeniiye, waan is inamo geynaa haddaan la is inkirahayne”
SOMALIA HA NOOLAATO HANA WADA JIRTO 🇸🇴.
This is the House of Commons chamber, a place where centuries of debate, leadership and historic decisions have helped shape not only Britain, but the wider world. While ancient Greece introduced the idea of democracy, the UK’s “Mother of Parliaments” refined the representative system that many nations follow today.
Democracy remains one of the strongest forms of government because it gives people a voice, protects freedoms, promotes accountability and allows peaceful political change through elections rather than conflict. For countries such as Somalia, democratic institutions are especially important in building stability, strengthening national unity and restoring public trust after decades of hardship. Strong parliaments, open debate and the rule of law are essential foundations for a peaceful, stable and prosperous future.
@UKinSomalia
DAAHFURNAAN
Daahfurnaantu waa tiirka ugu weyn ee dowlad wanaagga. Waxay xaqiijisaa in habraacyada dowladda, go’aammada, iyo xogtuba ay u furnaadaan shacabka, loona heli karo si fudud. Furfurnaantani waxay muhiim u tahay dhowr sababood oo asaasi ah:
1. Waxay ka hortagtaa musuqmaasuqa
Marka wax walba bannaanka yaallaan, way adkaanaysaa in masuuliyiintu ku dhaqaaqaan tallaabooyin sharci darro ah, kuwo tuhun dhalin kara iyo in ay awoodda dowladnimada si khaldan u adeegsadaan. Sidoo kale way adag tahay in ay qariyaan laaluush, eex, ama ku takrifal hanti dadweyne.
2. Waxay dhistaa kalsoonida shacabka
Dadku waxay si sahlan u taageeraan sharciga isla markaasna u hoggaansamaan marka ay hubaan in madaxdu si daacad ah ugu shaqaynayaan sharciga.
3. Waxay xoojisaa Isla xisaabtanka:
Go’aan qaadayaashada masuuliyiintu waxay si macno leh u fushaa marka ay shacabku ogyihiin in ficilladooda iyo natiijooyinka ka dhasha la dabagalayo oo ay indhaha ku hayaan.
Intaa iyo waxyaabo kale oo sal u ah marka la waayo, waxaa meesha ka baxaysa daahfurnaanta oo gundhig u ah dowlad wanaagga.
Dadweynow imisa safar oo idinka qarsoon ayaa dhacday? Imisa ayaa ogtihiin in ay dhaceen balse aydnaan war u hayn waxa lagu gorfeeyey iyo go’aamada masiirkiina ku saabsan ee lagu gaaray?
Ugu danbayn, waxaa isweydiin leh, aaway saxaafaddii wax baari lahayd, ogaan lahayd, falanqayn lahayd, dabadeedna dadweynaha la wadaagi lahayd ficilada masuuliyiintu ku kacaan.
Qareen Mohamed A Xunbul (@Mohamedsidiik), oo @Horn_trends uga warramay soo laba kaclaynta burcad badeedda Somalia. Wuxuu taraasiir ka bixiyey sifaha burcad badeedda, waxa sharcigu ka qabo, dhibka ay marin biyoodyada ku hayaan iyo sida ay khatar ugu noqon karaan dadka Soomaaliyeed iyo noloshooda. Halkaan👇ka dhagayso.
Waxaan halkaan 👇idiinku soo gudbinaynaa qeybtii 1aad ee mowduuc muhiim ah oo ku saabsanaa xaaladda Burcad badeedda Somalia, oo soo laba kaclaysay iyo waxa sababay, dhibaatada dhaqaale ee dadka soomaaliyeed ay u keeni karto iyo sida wax looga qaban karo. . Qeybta 1aad waa hordhacii barnaamijka, kaas oo aad si wacan uga bogan doontaan. Dhagaysi wacan.
WARGELIN
Waxaan sharaf noo ah in aad nagala soo qeybgashaan X-space ay qabanayso Horn Current Trends (HCT) taariikhdu marka ay tahay: Talaado 12 May 2026, 09:00 p.m. 🕰️
Mowduuca: Maxaa sababay soo laba kaclaynta burcad baddeeda Soomaaliya.