Waxaan ka qeyb galay kalmad koobana ka jeediyay kulan loogu gogol xaarayay isu-gurmad iyo baraarujin bulsho, kaas oo diiradda lagu saarayay taakuleynta dadka iyo xoolaha ku waxyeelloobay abaarta ka taagan meelo ka mid ah dhulka Galmudug iyo Hiiraan.
Iyadoo aan ku jirno bisha barakaysan ee Ramadaan oo ah bil naxariis, sadaqo iyo is-gargaar waxaa inagu waajib ah in aan u istaagno gurmadka walaalaheenna, una fidinno gargaar degdeg ah inta aan awoodno.
Aan mideyno dadaalkeenna si aan u badbaadino nolosha dadkeenna iyo duunyadooda.
Waxaan si rasmi ah u xarig jaray ceel-biyood cusub oo laga hirgeliyay deegaanka Xuunshaaloow, una jira qiyaastii 40km magaalada Dhuusamareeb.
Ceelkan wuxuu wax weyn ka tari doonaa biyo-la’aantii ka jirtay deegaanka, isaga oo daboolaya baahida biyo nadiif ah ee boqolaal qoys.
Waxaan uga mahadcelinayaa hay’adaha UNICEF iyo USAID doorkii ay ka qaateen hirgelinta mashruucan.
La-kulanka Garaadada Waqooyi Bari State Soomaaliya — wada-tashi qoto dheer oo ku saabsan nabadda, midnimada, iyo mustaqbalka horumarineed ee bulshada Waqooyi Bari state.
إنا لله وإنا إليه راجعون.
Tacsi tiiraanyo leh ayaan u dirayaa ehelka iyo ummadda Soomaaliyeed geerida 𝐔𝐠𝐚𝐚𝐬 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 𝐔𝐠𝐚𝐚𝐬 𝐅𝐚𝐚𝐫𝐚𝐱. Ilaahay ha u naxariisto, jannada Firdowsana ha ka waraabiyo.
Aamiin.