Psychotherapist, Former District Commisioner of Waaberi, General Secretary of National Drought committee, Lower House of Somalia Parliament Candidate 2021
Physical demilitarization of Mogadishu has started which is a positive step for stability. This, though paramount, will be a temporary resolution absent a psychological demilitarization of the soldiers and their bases of support.
As per agreement of demilitarizing the capital Mogadishu & the implementation of the Peace Agreement reached on Wednesday , Somali PM @MohamedHRoble visited the reopening of roadblocks established during the recent crisis in #Mogadishu. PM commended the committee achieving it.
🌍Amidst the challenges of global warming, finding serenity in the small things becomes essential. The aroma of Eastern Africa oud, accompanied by veggies or chicken soup, can uplift your mood. Let's pray for everyone's safety during this intense rainy season🌱💚 #GlobalWarming
“Wax-fududeyn iyo hiddi-hoobeyn badan baa ku jirta sida wax loo wado” Afyare, Prof ma aadan sheegin oo kaliya caqabadaha ku hareersan arrintan, ee si cilmiyeesan ayaad u tusaaleysay hab-raaca ay tahay in la maro. Waa nasiib daro arrin masiiri ah in sidan loogu deg dego.
Maxaa lagu diidan yahay hab-raaca lagu muransan yahay?
Runtii, udeeddo kastaba ha laga lahaadeee, dadka qaar ka fal-celiyey qormadaydii gaabnayd ee shalay ayaa I weydiiyey su’aal ah, maxaa lagu diidayaa habraaca’?
Anigu waxaan u arkaa in xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo kala-qeybsanaanta aragtida, xoogagga siyaasadda, gobollada iyo qabaa’ilka aysan saamaxayn in dooddan hadda la galo.
Haddiiba la galayana, sida ugu habboon waxaan ku qoray cilmi-baaris soo baxday 2023. Waana tan iyadoo far-Soomaali ku qoran: https://t.co/o8B8IYWpGz.
Dhanka kale, haddaad leedahay hab-raaca maxaa laga rabaa? Waxaan ka leeyahay:
Kow, waxa ku qoran hab-raaca in la isku darayo labada aqal marka doodda dastuurka la galayo. Dastuurku waa ka culus yahay xeerarka caadiga ah. Xeerarka caadiga ah waxaa la yiri labada aqal ha kala soocnaadeen oo marka uu Golaha Shacabku ka dhamaado xeer, ha loo gudbiyo Aqalka Sare oo isna waajibkiisaa ha ka guto. Maxaa diidaya in waddadaas la marsiiyo dastuurka iyadoo weliba 2/3 majority loo shardinayo wax-ka-baddalka?
Labo, waxaa kale oo ku cad habraaca in fadhigu ku ansaxayo 50%+1 inay goobta yimaadaan. Waxaana ka sii daran in la leeyahay “waxaa looga doodayaa cutub-cutub.” Wuxuuna cutub kasta “ku gudbayaa 50% iyo haldheeri.” Macnaha, xildhibaannadu haba doodaane, cutub ayaa loo codeynayaa ee qodob ma ahan waxa loo codeynayo. Macnahaas baa ku cad qoraalka.
Saddex, Qodobka 5(6) ee Habraaca la soo wado wuxuu leeyahay “Soojeedinta wax-ka-beddelka kamadambeysta ah ee cutubyada Dastuurka oo idil waxaa kulan wadajir ah ku ansixinaya saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xildhibaanada Golaha Shacabka iyo saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xildhibaanada Aqalka Sare si waafqsan Qodobka 136 (1) ee Dastuurka KMG ah.” Qodobka 136 ma sheegayo kulan wada-jira ah. Bal’e waxaa muuqata inuu leeyahay aqal walba si gaar ah ayuu ugu codeynayaa. Waxaa habraacu leeyahay “Qaabka codeyntu waxay noqonaysaa gacan-taag, qoraal ama magac -u-yeerid muddada codeyntu socoto si waafaqsan Qaraarka Ansixinta Dastuurka ee uu soo saarayo Baarlamaanka JFS.” Qodobkani waxa ka muuqda wax aan ahayn ayuu xeerinayaa.
Haddaba
Kow, aragtideyda, looma baahna in labada aqal la isku daro. Sideedaba, ujeeddada laba aqal loo sameeyey waa in ay is dheelli-tiraan oo mid wixii uu gafo, kan kale saxo. Haddii 50 senator oo awalba qaar maqnaayeen lagu dhex daro Golaha Shacabka, waxaa halkaas lagu baab’iyey Aqalka Sare. Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo xubnaha aqalka sare waa inaysan macno-tirin aqalka sare. Waana qeyb ka mid ah ujeeddada aan u adeegsaday tuducyada Axmed Sheekh Jaame ee sheegaya muhimadda awoodaha isku-dheelli-tiran ““Barbar kaliya xoog jira, cadligu waa ku bururaaye. Badbaadada waxa dhala quwado baahay oo simane.”
Tan kale, marba haddii laga hadlayo arrin sidan u weyn oo sidan u xasaasi ah, waxaa quman in aqal walba uu hawshiisa gaar u qabsado. Aqal walbana waa in qabsoomidda kulanka dastuurka hawshiisa lagu galayo uu u shardiyo 2/3 inay joogaan. Aqal walba waa inuu gaarkiisa qodobbada la baddalayo uu qodob qodob uga doodo. Waana inuu aqal kasta ku ansixiyo 2/3 qodob kasta oo la baddalayo. Wax-fududeyn iyo hiddi-hoobeyn badan baa ku jirta sida wax loo wado.
Labo, Qodob ka mid ah habraaca ayaa leh, “Soojeedimaha wax-ka-baddalka dastuurka waxaa looga doodayaa cutub-cutub iyadoo la raacayo jadwallada doodda.” Waxay u muuqataa inaan qodob qodob looga doodeyn ee ay tahay jumlo ku qaado. Codeynta waxaa laga dhigayaa ‘gacan-taag, qoraal ama magac-u-yeerid”. Waa arrin xiiso leh. Anoo xildhibaan ah, haddii tan la ii jideeyo maxaan uga baahanahay inaan baarlamaanka imaaddo? Sow warqad sooma qori karo oo ma dhihi karo waa u codeeyey ama waan diiday xeerkaas. Sow baarlamaanka oo awalba lala daalaa-dhacayo in barkiis yimaad, intii kalana lama fasixin? Gacan-taag waxaa ku qarsoon waa la wada garanayaa iyada oo halkaa u dhaafi maayo. Anigase sidani ilama qumana.
Saddex, hab-raacu wuxuu leeyahay labada aqal baa kulan wadajir ah ugu codeynayaa duuduub dastuurka. Waxaa ii muuqata in la is-dhexgeliyey ansixinta baarlamaanka oo ay tahay inay qodob qodob uga doodaan, uguna codeeyaan iyo aftida dadweynaha oo ay caadadu tahay inay duuduub dastuurka ugu codeeyaan oo ay ama diidaan ama yeelaan. Waa in la kala sooco hawlahan.
Afar, guddiyada ka shaqaynayaa ayaa u muuqda kuwa hal aragti siyaasadeed metelaya. Cidna laguma jahwareeri karo waa hebello kala beelo ah. Taasi macno badan ma leh oo waxba kama baddalayso tayada go’aamada iyo ilduufyada kooxaha la kaliyoobka go’aannada ummadeed. Waxaan kula talin lahaa siyaasiyiinta inay aqriyaan buugga “Rebel Ideas” oo uu qoray Matthew Syed. Wax baa uga kordhi lahaa kolley.
Ugu dambeyntii, marka dalalka federaalka dastuur loo samaynayo ama kooda laga baddalayo waxaa inta badan ansixinta iyo wax-ka-baddalka qeyb ku leh baarlamaannada gobollada. Sida muuqata, saxiixayaashi kan jira noo sameeyey waa ka ilduufeen. Tan kale, haddiiba laga hadlayo dastuur muddo dheer jiri kara, ma garanayo sabab loogu bixinayo dhaqaale iyo xilal. Kolley wax baa jiree maxaa jira? Bal adna?
Somalia’s Galmudug state leader Ahmed Abdi Kaire @MrQoorqoor at the battlefront explaining Al Shabaab terrorists targeted he and other senior federal government officials and that he was not harmed.
He vowed that they will continue staying at the front lines to hasten the demise and defeat of the terror group.
Waxaan u mahadcelinayaa Mohamed Hilowle oo igu casuumay @thekeshkeshcafe#nairobi agagaarka Yaya Centre. Waxaa laga helaa cunto aad u macaan, waxaan aad uga helnay jawiga degan, soo dhowayn wanaagsan iyo dhirta badan oo lagu beeray maqaayada gudaheeda @Rowdaolad@Mohamed_Sh_Omar
We remain dedicated to fostering institutional collaboration in our pursuit of MHPSS and Peacebuilding, as integral components of our sustainable peacebuilding strategy.@SIMADUniversity@Dahirhasan@DrCheriePatrick
It was an honor to launch the first Somali Students Peace Initiative (SPI) cohort, a student-led grassroots MHPSS and peace initiative. The inaugural cohort has successfully completed a 3-day training on Psychological First Aid (part #1).
@RamadanElmi ,your role in the stabilization program is vital to Somalia's institutional memory. Thank you for your continued service to Somalia, especially during this critical time.
We are still excited about yesterday's #CasiriyeTalk
We extend our heartfelt appreciation to the amazing guest speakers who graced our event with their wisdom, expertise, and inspiring perspectives.
I was honored to be among the panelist discussing ways of Leveraging Technology to bridge education gap in the Horn of Africa. The event was organized by @thekeshkeshcafe .@AbdulnuurSheikh@Rowdaolad
Participated a panel conversation on education technology in the Horn of Africa. Discussed school connectivity, distance learning, TVET & related barriers. Fears & benefits of AI in education were also highlighted.
Thank you Roda and KeshKesh for convening this timely event.
The speakers, including former Minister of Education Dr. Abdinur and Dr. Hodan, shared valuable insights on how Ed-tech can transform education and promote development. The desserts and Somali tea were also delicious! Thanks to @thekeshkeshcafe for hosting.
Join us for an exciting Casiriye talk on leveraging technology to bridge the education gap in the Horn of Africa.
@DeeqAfrika@thekeshkeshcafe@Rowdaolad