Anigoo dardargelinaya fulinaya qorshahayga ku aaddan in Goluhu ku shaqeeyo midnimo iyo wadajir, isla markaana xal waara laga gaaro tabasho kasta oo siyaasadeed, ayaan maanta mar kale kulan la yeeshay xubno ka socday xildhibaannada mucaaradka ah ee tabashada siyaasadeed ku maqan.
Waxaa iga goโan in khilaaf kasta oo jira lagu dhammeeyo wada-hadal, is-qancin iyo isu-tanaasul, isla markaana aan Golaha ku hoggaamiyo midnimo, wadajir iyo wada-tashi.
Waxaan isku raacnay qodobbada soo socda:
1. Dhexdhexaadnimada Golaha: In Goluhu u ahaado mid dhexdhexaad u ah dhammaan dhinacyada, isla markaana si buuxda loo ilaaliyo loona dhowro Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.
2. Midnimada Golaha: In la xoojiyo midnimada, wadajirka iyo wada-shaqeynta Xildhibaannada, si hawlaha sharci-dejinta, Matalaadda iyo korjoogteynta hayโadaha Dowladda ay ugu socdaan si habsami leh oo wax-ku-ool ah si waafasan qodobka 7aad ee xeerhoosaadka Golaha Shacabka.
3. Xorriyadda Hadalka iyo Dhiibashada Fikirka: In Xildhibaan kasta oo ka tirsan Golaha Shacabka uu xaq u leeyahay inuu si xor ah u cabbiro aragtidiisa iyo fikirkiisa, iyadoo la dhowrayo Qodobka 28aad ee Xeer-hoosaadka Golaha.
4. Ilaalinta xaadirista fadhiyada Golaha: Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada Mucaaradka waxay isku raaceen in si wadajir ah looga soo qaybgalo fadhiyada