Bulshadu waa qof oo kale. Basaasta dadka Ku dhacda ayaa iyadana haleesha. Abaarna waxa ugu daran ta maanka Ku dhacda. Dadka way doorisa.
Dadkeeni hore waxay ku ducaysan jireen "ilaahow na dil oo ha na doorin".
Deg deg
Xadhig iyo baadigoob xubnaha UMAD oo ka socda Magaalada Boorama. Waxa hadda xidhan laba xubnood oo uu ka mid yahay gudoomiye Ku xigeenkii UMAD Mohamed Muuse Shardi.
Dambi aan ahayn maxaad urur midnimo ka shaqaynaya u samaynaysaan ama danta ummada uga hadlaysaan ma jirto.
Cambaaburka iyo Adaliyiinta.
Ciid aan cambaabur lahayni waa naaqus.
Soomaali meel ay joogtaba, cambaaburka waxa lagu xusaa ciidda, waana astaan dhaqameed aan weligeed lumin. Akhristow, ma ogtahay in cunnadan qiimaha leh ay ka soo farcantay Saylac iyo ilbaxnimadii Adaliyiinta?