Ardey ka badan 46-kun ayaa Maanta u fadhisanaya Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku galaya 125 xarumood.
Taliye Macalin Mahdi oo si kulul u hadlay ayaa yiri " hadan amniga la adkeyn lahayn ardaydu si nabad ah uma galen imtix.
Dad badan ayaa la yaaba marka Trump uu weeraro Soomaalida oo uu ku eedeeyo inay yihiin dadka ugu caqli yar
Runtii,sida ay sheegaan qaar ka mid ah tirakoobyada caalamiga ah,waxaa la sheegaa in aan ku jirno meelaha ugu hooseeya marka la cabbirayo IQ-ga
Waliba kuwa ugu hooseeya๐
Nin ayaa waydiiyay nin Xaakim ah sababta Ariga oo maalin walba la qasho uu uga badanyahay Eeyda halkii mar 7-ilmood dhala oo aan la qalan hilibkoodna la cunin.
Ninkii xaakimka ahaa ayaa ku jawaabay:
Shaqaalanimadu waa mid ka mid ah dariiqyada ugu waaweyn ee qofku ku kasbado waayo-aragnimo iyo xirfado cusub oo sare u qaada kartidiisa shaqo iyo noloshiisa guud. Waa meel lagu barto nidaamka shaqada, la tijaabiyo awoodaha qofku leeyahay, laguna kobciyo xirfado laโaantood aysan suurtagal noqon lahayn in la gaaro heer sare oo shaqo iyo horumar ah.
Markaad shaqaale tahay, waayo-aragnimada aad kasbanayso ma aha mid ku koobnaanaysa kaliya howlaha maalinlaha ah ee aad qabanayso, balse waxay kaa caawinaysaa inaad fahamto sida nidaamka shaqadu u shaqeeyo, sida loo maareeyo waqtiyada adag, loona xalliyo dhibaatooyinka si xirfadaysan. Dad badan oo hal-abuuray ganacsiyo waaweyn ama keenay ixtiraacyo cusub, waxay xirfadooda ku dhiseen waayo-aragnimada ay ka heleen shaqooyin hore oo ay soo mareen.
Shaqaalanimadu waxay sidoo kale kuu furaysaa fursado aad ku kobcin karto fikirkaaga hal-abuurka ah. Marka aad la macaamilayso dhibaatooyinka iyo caqabadaha ka jira goobtaada shaqo, waxaad helaysaa fursad aad ugu fikirto hal-abuuro cusub oo aad u adeegsan karto xirfado iyo aqoon aad horey u lahayd ama aad shaqada ku baratay. Tani waxay si gaar ah faaโiido ugu leedahay qof kasta oo raba inuu wax cusub keeno, maadaama uu leeyahay waayo-aragnimo ku filan oo uu ku garto meelaha u baahan horumarinta.
Intaa waxaa dheer, shaqadu waxay si weyn u dhistaa networking-kaaga, taas oo kuu sahlaysa inaad la kulanto dad badan oo ku dhiirrigelin kara, talo kaa siin kara, ama xitaa kula wadaagi kara fursado aad mustaqbalka ku gaari karto guul aad u weyn. Dadka ugu guulaha badan ee maanta la yaqaan, sida ganacsatada waaweyn ama saynisyahannada caan ah, badankooda waxay soo mareen marxalado shaqo oo ay kaga faaโiideen xirfado iyo aqoon sare.
Shaqaalanimadu waa dariiq qofka awood u siinaya inuu kasbado khibrad uu markaas u adeegsan karo kobcinta xirfadiisa, abuurista wax cusub, iyo xitaa samaynta ganacsi u gaar ah. Xirfad kasta oo la barto, waayo-aragnimo kasta oo la helo, iyo caqabad kasta oo la xalliyo, waxay qofka siiyaa awood uu nolosha wax badan kaga beddeli karo. Shaqadaada ha u arkin kaliya meel aad mushaar ka hesho, balse u arag meel aad ka kasbanayso aqoon, xirfado, iyo fursado kuu horseedi kara in aad noqoto qof noloshiisa si mug leh wax uga beddela.
Ha maqlin dadka ku dhahaya shaqaalanimado waa waa wax xun adiga oo ah qof dhalinyaro ah oo dalkeena aan fursaduhu ka jirin ku nool, way ku dhisaysaa shaqadu, waxayna kaa dhigaysaa qof dhiiran, oo ikhtiraac cusub la imaan kara, waxay kuu sahlaysaa helida wadadii aad ku abuuri lahayd ganacsigaaga kuu gaarka ah.
Qormadaan waxaan qoray 2022, wagaasna Tiktok halka ay maanta marayso fitnadeedu bilowgeedii baa la joogay, maantana wuxuu marayaa heer ay warbaahinadda adduunka ugu afka dheer ay foolxumada halkaa aynu ku hayno ka hadlaaan.
___________________________
Tiktok
Waxa aan kamid nahay bulshooyin badan oo halis ugu jira dabar-go' dhaqan, liinbax diin iyo ka tagis sooyaal quruxbadan oo xishood iyo edeb asal u ahaa, sida umudaha kalaba waxa aan qarka u saaranahay in aan weyno wanaag badan oo aan lahayn.
Tiktok waxa uu kamid yahay halista bulshadeena ku waajahan ee ay khatarta ugu jiraan, Tiktok adduunka oo dhan maanta dadka sida joogtada ah u isticmaala waxay ka badanyihiin 800 oo milyan, dadka dagsaday oo taleefoonadooda ku shubtayna waxay ka badanyihiin 1.5 billion oo qof. Waxa uuna Tiktok noqday application-ga aan game-ka ahayn ee loogu dagsiga badanyahay app store-ka iyo google play-ga.
41% dadka isticmaalaa Tiktok waxay da'doodu u dhaxaysaa 16-24 jir, waxayna u badan yihiin dhalinyaro caadifadooda iyo shahawaadkoodii ay ka qaalib noqotay. Tiktok maanta wuxuu noqday mid kamida aplication-da ugu baaxada wayn ee baraha bulshadu ku xiriirto, muuqaaladiisu waxay soconayaan ilbiriqsiyo, wuxuu awood kuu siinyaa inaad ku qabatid muqaalkaaga codod ay dadkale duubeen, waxaad bilaabaysaa isticmaalkiisa maanta, waxaadna beri noqonaysaa qof caan ah oo ay ku xiranyihiin kumanaan qof oo kala luqad iyo jinsi duwan, haddii aad gashid oo aad damacdid inaad ka dhex raadisid hal video ama muuqaal oo wax ku soo kordhinaaya caqligaaga ama noloshaada waa habeenkii xalay ahaa oo tagay inaad wax ka faa'idid, hadana iyada oo ay sidaas tahay bay waxay kuugu qaadanaysaa saacado inaad ka dhex baxdid sidii in la sixray caqligaaga.
Maanta waxyaalaha bulshooyinka adduunka isa sii baray oo isku furay waxaa kamida application-nada baraha bulshada ee waayadaan dambe bulshooyinka hal meel isugu keenay, waxayna ka qayb qaadatay in bulshooyinkaas kala duwan ay soo baxaan dhaqanadoodii, waxaad arkaysaa in bulsho loo haystay bulsho dhaqan wanaagsan ay maanta noqotay bulshooyinka ugu liita, ka Soomaali ahaan waxaa la inaga aaminsanaa bulsho akhlaaqiyan iyo diiniyanba horumarsan, oo ahlu diina, xifdisana Qur'aanka xitaa hadaynaan maadiyan horumarsanayn, laakiin maanta qofkii soo galaa Tiktok oo aan waligii soomali maqal markuu arko muxuu ka fahmayaa? Dabcan wuxuu ka aaminayaa bulsho wada niikinaysaa oo qabyaalad aan loo meel dayayn ku kadeedsan oo la dhiban.
Tiktok khatarta uu leeyahay waxaa maanta ka soo horjeedsaday oo wadanadooda ka mamnuucay dowlado waawayn, waxaa lagu maxkamadeeyay Maraykanka waxaana sidoo kale laga dacweeyay dalalka Bakistan, Masar iyo Al-Jeeriya. Waxaan maalin dhawayd soo qoray Netfilix iyo filimaanta xun ee da'yarta loogu soo hoos galinaayo waxyaabo badan oo dhaqankooda iyo diintoodaba ka soo horjeeda caqligoodana lagu xadayo, laakiin barnaamijkaan Tiktok wuu ka khatar badanyahay saamayntiisu Netfilix.
Dhibaatooyinka ugu waawayn ee uu Tiktok maanta soo kordhiyay waxaa kamida in qoysaskii iyo guryaha dhexdoodii ay noqdeen meelo aan lahayn wax khusuusiyaad ah oo xitaa qolkii hurdada lasoo duubaayo, waxaa laga yaabaa dadka qaar kamida xitaa alaabtooda iyo qaabka ay guriga ugu taal in ay dadka la wadaagaan, oo haddii ay macquul noqoto inaad gurigooda dhex takto aadba taqaan shay kastaa meesha uu u yaal. Waxyaabaha kale ee uu Tiktok inagu soo kordhiyay waxaa kamida inay isku dhacaan qoysas badan oo halkaas ku burburaan, waxaa kaloo arkaysaa in dad badani ay jirkooda wax ku raadinayaan oo aad mooda in dhaqankii iyo xishoodkiiba laga tagay.
Waxyaabaha la yaabka leh ee uu Tiktok la gaarka yahay waxaa ka mida in adiga oo aan account ka samaysan aad awood u leedahay inaad daawankarto muuqaaladiisa aan dhamaadka lahayn oo haddii aad maantoo dhan wado anuu dhamaanayn, wakhtigaagiina uu sidaas ku dhamaanayo.
Maanta dhlinyaro badan ma awoodaan inay shan daqiiqo wax akhriyaan iyagoon maskaxdoodu bixin, waxaad arkaysaa dhalinyaro badan oo ka cabanaya qoraal yar oo ku dhahaya cod ahaan noogu soo duub, waa duul maskaxdoodii lagu cayaaray.
Moobilkaga gacanta aad ku haysato ee aad facebook-ga aad galayso, email-ka aad furayso kadibna aad uga sii gudbayso Tiktok iyo Tuwiter kumanaankaas macluumaad oo kala duwan ee aad ishaada ku daawaynayso waxay kuugu sababaysaa xaalad maqnaan joogta ah iyo taxadar la'aan ah, waxaadna ka dhaxlaysaa inay maskaxdaadu dhowrkii ilbiriqsiba ay is badasho, sabatoo ah waxaad arkaysaa war murugo leh, mid farxad leh, quraan iyo hees isku xigta waxaad galaysaa xaalad qasnaan camal ah. Waxaa la yaab leh Tiktok in aanuu dhamaadba lahayn oo aad hal daqiiqo ku daheed aad ku daawanayso murugo, qosal, oohin, muxaadaro kadibna ay maskaxdaadu noqonayso qol ay ku dhex hardamayaan kumanaan macluumo oo kala shaydhayn u baahan, xitaa waxaa la sheegaa muuqaalada gaagaaban ee dag-daga ah in ay u dhigmaan daawashada muqaalda xun xun xaga saamayntooda, waxaa adkaanaysa inaad shan daqiiqo kaliya aad wax u sabarto maadaama aad la qabsatay macluumadaa dag daga ah, oo wax kastaa waxaad ku raadinaysaa dag dag.
Tiktok wuxuu waxayr ku badalayaa dhaqan iyo hide umadi lahayd, waxaa dhacdaa in dad badan ay cuduro nafsiyan ah ka qaadaan isticmaalka badan ee Tiktok marka ay xaalad kala soo daristo, waxaa jirta in muusiga video-yada ku lamaan in ay qaarkood ka hadlayaan waxyaabo jaraa'im, maandooriye, qowmu-luudnimada iyo falalka dilalka ah, amaba waxaa kaloo arkaysaa ilxaadnimo iyo gaalnimo cad kuwo ka hadlaya.
Tiktok Algorithm-ka uu ku shaqeeyo waxa uu
qiimaynayaa muuqaalada marka ay kaa soo hor baxaan aad ku ceshato aadna jeceshahay daawashadoo a ama aad like-ta saarto ama profile-ka qofka aad gasho oo aad muuqaaladiisa daawato waxa uuna sidaas ku fahmayaa in aad waxyaabahaas xiisayso, taasina waxay keenaysaa inuu muuqaalada ku xiga uu kuu soo saarayo uu ka dhigo wax yaalahaas aad xiisaynayso taas oo adigana Dopamine-ka jirkaaga kor u qaadaysa farxadna aad ka helayso, app-kiina aad sidaa wakhti badan ugu bixinayso, taasina waxay cadaynaysaa in muuqaal kasta oo aad daawataa uu Tiktok siinayo xog adiga shakhsiyadaada, dabcigaaga iyo waxaad xiisayso ku saabsan.
Hadaba dhalinyaro badan waxaa macquul ah inay halkaas ka bartaan dad badan oo jinsayadoodii badalay, oo gabar wiil iska dhigtay ama wiil gabar iska dhigay uu barto, macluumaadkoodii buu dhagaysanayaa, faalooyinkoodii buu akhrisanayaa, sawiradoodii buu arkayaa, kadibna mab da'oodii buu qaadanayaa, ilaamahaasina markii horeba caqliyad ku filan ma lahayn, caqli uu ku kala shaandheeyona oo uu ku kala gorfeeyona malahan, aakhirkana wuxuu isku dayayaa sidii uu iyagoo kale u noqon lahaa. Tiktok-na waa meesha cayda nooc yadeeda kala duwan iyo af-xumaan oo dhan laga barto, ogaadana dhammaan macluumaadka dadka oo dhan Tiktok waxay ka iibisaa shirkadaha wax xayaysiiya.
Maanta waxaa bayaana oo aad arkaysaan da'yar badan oo maskaxdooda umada kale ay haysato, qolof kooda kaliyaa maxaa laga dhaxlayaa? Dabcan waa nasiib darro aan kala kulmi karno inaan aragno da'yar nasakhan oo maskaxdoodii lamasaxay inay inoo joogaan, waxaana halis wayn ugu jirnaa inaan waayi doono jiil dhan.
Qofka bini-aadamka ahi marka uu noolyahay oo ay naftu ku jirto waa damqadaa, laakiin hadii qofku mayd yahay ma damqado, sidaas si lamida qalbiga bini-aadamku nolol buu leeyahay wax yaalaha xumaanta ah haddii uu ka damqan waayo qalbigiisu waa dhintay oo waa mayd, sidaas dareed nabigeenu (S.C.W)wuxuu yiri:
ุฃูููุง ููุฅูููู ููู ุงููุฌูุณูุฏู ู ูุถูุบูุฉู ุฅูุฐูุง ุตูููุญูุชู ุตูููุญู ุงููุฌูุณูุฏู ูููููููุ
ููุฅูุฐูุง ููุณูุฏูุชู ููุณูุฏู ุงููุฌูุณูุฏู ูููููููุ ุฃูููุง ูููููู ุงููููููุจูยป. ู ุชูู
Jirka bani-aadamka waxaa ku jirta xubin yar oo haddii ay wanaagsanaato uu jirkoo dhan wanaagsanaanayo, haddii ay xumaatona uu jasadkoo dhan xumaanayo.
Waxyaabahaas oo dhan ee aan ka soo sheekaynay qalbiga dhaawac bay galinayaan, ugu dambayna waxay dhaxal siinaysaa inuu qalbigu dhinto, hadii uu qalbigu dhintona qofkaasi waa mayd soconaaya, fitnadaas oo dhana waa fitnatii uu Nabigu (S.C.W) i nooga digay, fitna kastaana tan ka dambaysaa way ka sii mugdi badantahay siduu habeenku saacadba saacada uga dambaysaa ay uga mugdi badantahay, waxaa jirta maah-maah soomaaliyeed oo oranaysa( CIMRIGAAGOO DHEERAADA GEEL DHALAYANA WAA UU KU TUSAA) tolow fitnooyinka ka dambeeyaa siday noqon doonaan? Fitnooyankani ma waxay hor dhac u yihiin soo bixitaankii dajaal?!
Hadaba maanta dadka Tiktok adduunyada ka raadinayaa maxay ka faa'iidayaan aduunyo ay cirdigoodii, sharaftoodii iyo diintoodiiba ay ku gateen, ficiladaasi xun oo dhana waxay wax u gaysanayaan xishoodkii uu qofku xishoon lahaa iyo xakamayntii uu ficiladiisa xakamayn lahaa. Nabigeenuna (S.C.W) isagoo qiimaha xishoodka inoo sheegayana wuxuu yiri:
ุงูุฅูู ุงู ุจุถุน ูุณุจุนูู ุฃู ุจุถุน ูุณุชูู ุดุนุจุฉุ ูุงูุญูุงุก
ุดุนุจุฉ ู ู ุงูุฅูู ุงู
Iimaanku wuxuu ka kooban yahay lixdan iyo dhowr ama todobaatan iyo dowr qaybood, xishoodkuna waa qayb kamida.
Wuxuu kaloo nabigu yiri (S.C.W) yiri:
" ุงูุญูุงุก ูุงูุฅูู ุงู ูุฑูุง ุฌู ูุนุง ุ ูุฅุฐุง ุฑูุน ุฃุญุฏูู ุง ุฑูุน
ุงูุขุฎุฑ "
Iimaanka iyo xishoodka waala xiriiriyay, mid haduu meesha ka baxona kan kale waa la waayayaa.
Waalidku haddaysan u warhayn ubadkoodu maanta waxa ay daawanayaan iyo waxa ay samaynayaan dhibaato wayn baa ka dhalan karta, Tiktok iyo waxyaalaha lamidka ahna qoraal yar laguma soon koobi karo, intaas baana ku joojinayaa, waxaana rajaynayaa inay dad badan ka bixi doonaan halaaga meeshaa ka socda, amaba haddii aan la joojin karin loo badalo meel macluud waxtar leh laysku dhaafsado, oo bushada dhaqankooda iyo diintooda la ixtiraamo, caqligoodana aan lagu ciyaarin.
Towfiiqda Alle ha ina waafajiyo.
#aafada_baraha_bulshada
Starship
Dhacdada aadka loo hadal hayay ee ku saabsan Starip-ka SpaceX ayaa guul weyn u noqotay horumarka teknoolojiyadeed ee sahaminta hawada sare. Starship, oo ah gantaalka ugu weyn uguna awoodda badan ee abid la farsameeyo, waxaa iska leh shirkadda SpaceX oo uu aasaasay Elon Musk. Gantaalkan ayaa loo arkaa mid bedeli doona habka aan u fahamsanahay safarrada hawada sare, gaar ahaan qorshayaasha fog ee la xiriira in dadka laga raro meeraha dhulka si loogu safro Mars iyo meelo kale oo ka baxsan meeraha aan ku noolnahay.
Dhacdadan cajiibka ah ayaa gaar ahaan xiiso u yeelatay xilliga la diray, markii roketku uu hawada isku shareeray isagoo la socda iftiinka qoraxda dhacaysa, taasoo sii kordhisay quruxda muuqaalka. Shucaaca xoogga badan ee dabka ka baxaya engine-yada Starship-ka ayaa si xoog leh ugu jeeday cirka, iyada oo gantaalku uu si tartiib tartiib ah ugu guuray hawada. Tani waxay muujinaysaa awoodda farsamo ee SpaceX iyo dedaalkooda ku aaddan horumarinta tiknoolojiyadda sare.
Laakiin waxa intaas kasii muhiimsan, waana tan ugu weyn ee dhacdadan ka dhigtay mid xusuus mudan, waa in Starship-ku uu si guul leh ugu soo noqday isla tower-kii laga diray! Tani waa tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa horumarka ballaaran ee la sameeyey ee ku saabsan teknoolojiyadda dib-u-soo-celinta gantaalada. Soo laabashada gantaalka ee isla goobtii laga diray waxay yareysaa kharashaadka, taasoo SpaceX u suurto-gelisay inay horumar ka sameeyaan sahminta joogtada ah ee hawada sare iyadoo la adeegsanayo gantaallo dib loo isticmaali karo.
Guusha Starship oo sida saxda ah ugu soo noqday tower-kii laga diray waxay SpaceX ka dhigaysaa mid fure u noqon karta mustaqbalka sahaminta hawada sare. Waxay astaan u tahay isbeddelka lagu sameynayo habka safarada hawada sare ee mustaqbalka, iyada oo shirkadda ka shaqeyneyso in safaradaas loo sameeyo si ka jaban oo ammaan badan. Teknoolojiyadda dib-u-celinta gantaalada waxay sidoo kale horseedaysaa suurtogalnimada in meelo ka baxsan dhulka laga sameeyo mustaqbalka saldhigyo rasmi ah, gaar ahaan meeraha Mars oo ah himilada weyn ee Elon Musk.
Dhacdadan waxay tusaale u tahay horumarka socda ee teknolojiyadda iyo sida ay u bedeli karto mustaqbalka bini-aadamka, maadaama guusha Starship ay si weyn u soo dhoweysay safarka loo qaadayo meerayassha fog sida Mars. Qorshaha SpaceX wuxuu muujinayaa in teknolojiyadda la casriyeyn karo si ay u fududayso sahminta hawada sare, taasoo dadka ka caawin doonta inay ku noolaadaan meelo aan hore loogu fikirin.
Marka la soo koobo, dhacdadan waa astaan guul ah oo muujinaysa in mustaqbalka sahaminta hawada sare uu noqon karo mid joogto ah, iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyad casri ah iyo farsamooyin cusub oo dib loo isticmaali karo.
Forex
Forex ma ahan meel khamaar lagu ciyaaro, ama qof lagu dhici karo. Forex waa suuq caalami ah oo ay maalimtii dhexmarto $6.6t (6.6 tirilyon oo dollar), lehna nidaam iyo hab uu u shaqeeyo, waana suuq ay ku shaqeeyaan dhammaan bangiyadda adduunka, marka uu qof shakhsi ahi isna uu doonayo inuu suuqaan ka shqaysto waxaa khasaba inuu broker ama prop-firm soo maro oo uu lacagtiisii halkaa dhigto kadibna uu ku shaqeeysto isagu, se intuusan ku shaqayn waxaa ka horaysa inuu qofkaasi cilmigii uu suuqaan kaga shaqaysan lahaa soo barto, hadii kale khamaar bay wixiisu noqomaayaa qofkiii isagoo bilaa aqoona suuqaan soo gala, waa uun aniga oo dhaha waxaan noqonayaa civil engineer aniga oo aan aqoon ama cilmi u lahayd injineeriyadaas.
Dhanka kale forex ma ahan meherad meel la yaqaan ku taala oo lacagta loo dhiibto, si ay kuugu shaqayso. Ama koox magac leh oo xafiis soo fadhida. Ma ahan sidaas. Mana dhici karto intay qolo xafiis furato ay dhahdo keensada lacag baan idiinku shaqaynaynaa, waxaas wax ka jira malahan, dadkaas xafiisyadda u furanaaya waa kuwa tuugo ah, oo ku soo talagalay inay dadka dhacaan, sideedabana qofku markuu rabo inuu wax sameeyo talaabadda koowaad ee looga baahan yahay waa inuu ogaado waxaasi maxay yihiin? Qaabkee u shaqeeyaan? Cid khaas ma u sii mari karaa, mise anigaa si toos ah u gali kara? Su'aalahaas oo dhan baa loo baahan yahay inuu qofku is waydiiyo, cidda wakhtigaan 2024 oo la maraayo la dhacaayona ma garan karo sababta ay sidaas dhan iskugu indha tirayaan, waayo wax kasta waxaa ka xigta hal click oo ay sameeyaan.
Forex waxaa lagu trade gareeyaa lacagaha adduunka ka jira iyaga oo la isugu qabanaayo labolabo, waxaa iyana jira kuwa ka baxsan Forex-ka oo lagu trade gareeyo sida indices iyo gold. Laakiin gold isaga laftirkiisa forex waa lagu trade gareeyaa as currency ahaan iyada oo lagu lamaaninayo lacagta dollar-ka (XAU/USD). Gold waa suuqa ugu market cap wayn wuxuuna market cap-kiisuna ku fadhiyaa $15.8T (trillion), marka la joogu suuqa forex-na waa dhaqaaq wayn yahay pairs-ka kale.
Thesis book defense day 10-06-2024.
Marka hore Alle ayaa mahad iska leh ii suurta galiyey in aan maantey difaacdo buuga jaamacada heerka 1aad, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa dhamaan waalidkeyga, maamulka, macalimiinta iyo qofkasta oo door ka qaatay safarkeyga waxbarashada.