Is bedel
" In habdhaqanka siyaasadeed , aragtida dib u dhiska dalka iyo toosinta maamulkii qalloocdey! Bulshadu waa in ay codkooda ku taageeraan artidaas!
Saboolnimo waa gunnimo. Gun waa in la gu noolaado si silic , darxumo, dacdarro, yasnaan iyo nool xoog u hooseysa!. Dawladnimo sabool ku kor ah wax ay ku dhaqantaa ficillo eex, qaraabakiil, iyo qabyaalad ku dhisan.
Laamaha garsoorka, iyo sharci fulinta ee Soomaalilaand waa duul awoodoodii la ga indhasaabay, wax ay u shaqeeyaan sidii laantii duubcasta, guulwadayaasha iyo maxkamaddii badbaada ee Ina Barre. Xilligan Xasaasiga ah ee doorashada waa in sixitaan xoog leh lagu sameeyo.
Xoolo hunne , waa qof la'aad ah oo inta uu mooro dareeriyo , haddana isaga oo midhadh duubaya xerada ku soo amuuga! Ma ninka dal iyo dad mid ah loo dhiibay ee dacalada ka soo ololiya! Iminka gurigiisii baa dirqi la ga ga hayaa! Biixi
Xukuumaddu waa in ay u shaqayso muwaaddinka, waa waajib saaran in ay adeegyada noloshiisa seeska u ah uu ka helo! Biixi maamulkiisu 7 sanno ayuu muwaadinka canaan la soo hor yucnaa oo maag iyo haddidaad iyo dibindaabyeyn ku hayay. Maantana haddana waa marti..