Waxaa Magaalada Muqdisho si xoowli ah uga socda mooshin lagu kar-karinaayo in xukuumadda r/wasaare Xamza lagu rido.
Sida xogo lagu kalsoon yahay (reliable sources) laga soo wariyay ama xigtay xildhibaanada wada mooshinka waxa ay kor u dhaafeen ilaa iyo 160 xildhibaano oo wada mintidiin ah kana wada go'an tahay in xukuumadda ridaan, waana aqlabiyad xad-dhaaf ah.
Mooshinkaan waxaa daaha gadaalkiisa ka wada Madaxwayne hore sheikh sharif sheikh Ahmed r/wasaare hore khayre iyo Madaxwaynayaasha Galmudug, Puntland iyo Koonfur Galbeed iyo Nabad iyo Nolol kana mid ah xukumaadda iyo hay'adaha dowladda.
Mooshinkaan cusub waxaa kaloo gadaal ka riixaya taageerayaasha Alshabaab oo kaalmo lacageed la daba-jooga in la meel-mariyo mooshinka si loo wiiqo halganka la dagaalanka Alshabaab iyo musuqmaasuqa looga ciribtiraayo dalka Soomaaliya.
Ugu dambayn, waxaa kaloo ku jira kooxaha wada mooshinka taageerayaasha dowladda iyagoo dhaliilsan qaabka xukuumadda wax wado, milkilayaasha isku gadaamay fulinta howlaha xukuumadda, shacabka ka hor keenay dowladda, fadhiidnimo joogto ah ama jago kasta loo xeeriyo (team simad-damul-jadiid) eex iyo musuq-maasuq aan loo meel-dayin.
Mooshinka la wado ra'yi ahaan ma ahan mid dan iyo maslaxad ugu jirto dalka marka la fiiriyo marxaladda la maraayo iyo dagaalaka laba geesoodka ah ee lagula jiro Alshabaab iyo cirib-tirka musuq-maasuqa.
Waxaa la sugaa waa maalinta berri ah kuna beegan isniin - 13/07/2023 in loo gudbiyo mooshinka (No Confidence Vote) Guddoonk