Allaha u naxariistee Xirsi Magan baan ka hayaa mar aan u sheeko doonan jiray, oon garaad iyo garasho ka kororsan jiray;
Hoggaamiye waa afar; Mid dalka u daran, mid dadka u daran, mid diinta u daran iyo mid duunyada u daran.
Siday usii kala daran yihiin baan su’aalay. Wuxuu yiri, waan kuu kala sharxiyee adigu kala saaro.
Midka dalka u daran waa rati reerka kugu simaya, laakiin reeryaduu cunaa.
Midka dadka u daran, waa doqon dantiisa yaqaan oon danqasho lahayn.
Midka diinta u daran, waa mid dhug iyo dhaayaba Alle ka awday.
Midka duunyada u daran, saddexda kale wuxuu dheer yahay, afar shayba waa ka beec; dal, dad, diin iyo duunyo.
During my visit in Lasanod from 6 to 9 May 2023 I saw many buildings that have been damaged by the shelling of the Somaliland army since the war began on 6 Feb., including the General Hospital of the town.