Halkaan waa Badaha Cusbada @DXinlabi oo laga soosaaro cusbada ugu badan ee soomaaliya laga isticmaalo & qaar ka mid ah wadamada dariska ah sida Kenya & Ethiopia.
Waxaa hadda billawday wax soo saarka cusbada sanadkaan oo la filayo in la soo saaro cusbo ka badan tii sanadkii hore.
Ardayda sanadkaan oo ah dufcaddii ugu horeysay ee ka qalin jabisay dugsiga sare ee xinlabi ayaa muujiyay dadaal dheeraad ah maadaama ay 190km u safreen si ay u galaan imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare.
Hambalyo dhamaan Ardayda sanadkaan Ka qalin Jabisay dugsiga sare ee degmada xinlabi, oo 190km u safaray si ay u galaan Imtixaanka kama danbeysta ah ee dugsiga sare kaasi oo ay qaaday wadaaradda waxbaradda Dowladda Soomaaliya.
Waxaana guul farxadeed u rajeynaynaa ardayda dugsiga sare ee degmada Xinlabe, oo maantay uu u soo dhamaaday imtixaankii shahaadiga ahaa ee wasaaradda waxbaradda dawladda ay ka qaaday ardayda sanadkaan dhameysatay dugsiyada sare.
c/llaahi waxaa uu kamid ah dufcadii ugu horreysay ee ka qalin jabisay dugsiga sare ee degmada xinlabi, waxaan u rejeynaynaa asaga iyo ardayda kale ee imtixaanka galaysa in alle u fududeeyo.
c/llaahi Maxamed Cali, waxaa uu kamid yahay Ardayda Sanadkaan ka qalin jabisay dugsiga sare ee Degmada Xinlabi, asaga oo lugta ka jaban ayuu #190KM u safray si uu ugalo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare kaasi oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada dowladda FS.