“Marka la dhaqan-geliyo Dastuurka, howlaha garsoorka waxaa la wareegaya Golaha Sare ee Garsoorka, kaas oo ka madaxbannaan Xukuumadda, si loo helo caddaalad madax-bannaan.”
—Wasiir Xasan Macallin Maxamuud, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS
Agaasimaha Damal Platform, Mudane Cabduwahaab Saqa ayaa soo dhoweeyay madaxda iyo marti sharafta ka soo qeybgashay bandhigga buugga, asiga oo ka warbixiyay howlaha baaxadda leh ee ay Damal bulshada u qabato.
#MadashaDamal#BuuggaHabdhigaalkaAfSoomaaliga.
"Afka hooyo in la horumariyo waxa ay qeyb ka tahay taariikhdeenna iyo jiritaankeenna, waxaana ku bogaadinayaa qoraa: Cabdalla Mansuur buuggan qiimaha leh, waxaan ku talin lahaa in la dhiirragiliyo buuggiisana la iibsado"
~Wasiir ku xigeynka diinta Saalax Shariif
# MadashaDamal
#BuuggaHabdhigaalkaAfsoomaaliga
“Aniga waxa aan ku hadlayaa magaca ardaydii uu wax u soo dhigay Prof. Cabdalla Cumar Mansuur. Waxaan qabaa aniga Af Soomaaliga si guud in loo wada qaato oo aan la kala jarin ama la kala reebin”.
Prof. Xil hore Dalxa
#MadashaDamal#BandhiggaHabdhigaalkaAfSoomaaliga.
“Anigu waxaan la kowsadey manhajkii oo loo rogay Af Soomaali, markaan dib-u-milicsadey runtii waxaa ii muuqda in 30 sano ee dowladnimadu jirtay si weyn loo hormariyey Af Soomaaliga. Hadda in la hormariyo Af Soomaaliga, la casriyeeyo, la mideeyo waa wax aad u muhiim ah”.
Rw xigeenkii hore. Xil. Mahdi Guuleed
#MadashaDamal
#BandhiggaHabdhigaalkaAfSomaaliga.