📸 Congratulations to the 3 talented Somali winners of the 2026 #EU4SOM Photo Competition!
Today, the EU Ambassador @francescaDM_EU awarded these creators for capturing powerful stories of EU-Somalia partnership.
A big thank you to all participants for sharing their vision 🇸🇴🇪🇺
“The future of public interest content in Somalia is increasingly female, digital, and resilient”
One of the biggest projects i have worked in last year.
⬇️
https://t.co/L7ZNP0DkKB
@bbcmediaaction@BBCMASomali
It’s our final #WINWrapped2025 where we share highlights from our year!
This week we focus on the WIN alums community. This is an active platform for peer exchange, mentorship and collaboration for graduates of our flagship Leadership Accelerator programme.
We’re hosting a discussion on digital safety for women journalists. Join us to explore AI-related risks and practical tips.
#WomenInMedia#DigitalSafety
Set a reminder for my upcoming Space! https://t.co/gHzekBnPv8
Deeply honored to receive this recognition as “African Woman of the Year” at the Pride of Africa Awards in Beijing. It’s very humbling to be honored by my fellow Africans and I am very grateful.
Kaladuwanaanta afkaarta (diversity of thought) waa mowduuc ay si qoto dheer uga hadleen aqoonyahannada reer Galbeedka iyo kuwa Islaamka. Inkasta oo saldhigyada diimeed, dhaqan iyo falsafadeed ay kala duwan yihiin, haddana labada dhinacba waxay muujiyeen qiimeyn sare oo ay siiyeen xorriyadda fikirka, doodda cilmiyeed, iyo ixtiraamka aragtiyada kala duwan.
Afkaarta kala duwan waxay sare u qaaddaa hal-abuurka iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka iyadoo la isu keeno fahamyo iyo xagal aragtiyeed kala duwan. Sidoo kale, waxay ka hortagtaa hal fikir oo keli ah (groupthink), taasoo keeni karta in lagu sii socdo khaladaad aan la saxin ama la iska indha-tiro fursado horumarineed.
Aragtida Culumada Islaamka ee Kaladuwanaanta Afkaarta
Culumada Islaamka waxa ay si qoto dheer uga hadleen kaladuwanaanta afkaarta (اختلاف الآراء) iyagoo xeerinaya xadka u dhexeeya ikhtilaaf la aqbali karo iyo ikhtilaaf aanla aqbali karin. Waxay si cad u aqoonsadeen in kala duwanaanta aragtiyeed ee lagu salaynayo ixtiraam, caddayn cilmiyeed, iyo ilaalinta maslaxadda ummadda ay utahay rajo iyo naxariis,ee aysan ahayn khilaaf iyo nacayb.
Culumada sida Al-Ghazali, Ibn Taymiyya, iyo Shatibi waxay qeexeen in kaladuwanaanta afkaarta ee shareecada hoosteeda aysan wiiqin midnimada ummadda haddii laga fogaado takfiir (kufrin) iyo bidco. Yacniin waxaan keen sanan karin labadaas qodob mid koodna.
Waxaa kaloo laga hadlay kala duwanaanshaha cilmiyeed, falsafadeed, iyo xitaa siyaasadeed – sida Ibn Khaldun u arkay in bulsho horumarsan ay tahay mid aqbasha afkaaraha kala duwan.
Shah Waliullah Al-Dihlawi (1703–1762):
Wuxuu ku dooday in afkaaraha kala duwan ee fiqiga (madahibta) laga arko sida ay wadajir ugu adeegayan maslaxadda ummadda Muslimka ah, ee aan loo isticmaalin khilaaf iyo kala qaybin.
Aragtida Aqoonyahannada Reer Galbeedka:
John Stuart Mill
Mill waxa uu ku dooday in xorriyadda afkaarta iyo hadalka ay lama huraan u yihiin bulsho caafimaad qabta. Wuxuu yiri:
“Xitaa fikrad khaldan waa in la oggolaadaa si loo helo dood caafimaad leh oo ku saleysan runta.”
Wuxuu diidanaa fikirka keli-taliska ah (groupthink) ee cabsida ku dhisan.
Isaiah Berlin
Wuxuu qabay aragtida value pluralism, oo ah in aysan jirin hal aragti oo kaliya oo xaq ah, balse ay jiraan aragtiyo kala duwan oo dhammaantood suurtagal sax u ah iyadoo la eegayo duruufaha bulsho iyo dhaqan.
Edward Said
aragtidiisa “Orientalism” waxay dhaleeceysay sida reer galbeedku u cabbireen caalamka Islaamka si hal aragtiyeysan. Wuxuu difaacay baahida loo qabo aragtiyo badan oo kasoo baxa dhaqammo kala duwan.
Kalasaarista Shaqsiga iyo Afkaarta
Marka la soo koobo: Aqoonyahannadu waxay ku wada qanacsan yihiin in muhiimadda ugu weyn ay tahay afkaarta iyo xaqiiqda laga doodayo, ee aysan ahayn qofka laladoodayo. Aqoonsiga qofku wuxuu qiimo leeyahay marka la eego ixtiraam, laakiin xaqa laguma xiro magac ama jago.
Qaacidada Culimada Fiqiga:
“La yuuradu al-qawl bi qaa’ilihi, bal yuuradu bi daliilihi”
(Afkaarta laguma qiimeeyo cidda sheegtay, ee waxaa lagu qiimeeyaa daliilka ay ku fadhido).
Ibn Taymiyyah:
Wuxuu yiri:
“Dad badan waxay ku murmaan: ‘Tani waa afkaartii nin hebel’, iyagoo iska indhatiraya runta ama beenta ku jirta afkaartaas.”
Wuxuu sheegay in isha lagu hayo macnaha iyo daliilka, ma aha magaca iyo mansabka.
Aragtida Aqoonyahannada reer Galbeedka
Karl Popper (waa aqoon yahan Reer Galbeed)
Wuxuu difaacay in cilmiga iyo dood lagu qiimeeyo sabab iyo tijaabo, ee aan lagu salayn qof sheegtay. Wuxuu lahaa:
“Cilmi ma ahan rumayn qof, waa imtixaan laga qaado sheegashada.” Oodood lagaliyaa fikirka.
Edward Said & Noam Chomsky
Labadooduba waxay dhaleeceeyeen “argument from authority” – in hadalka qof la aqoonsan yahay si indho la’aan ah loo raaco oo aan fikirka la’abaarin.
Waxay yiraahdeen: “Fikir kasta ha lagu qiimeeyo waxa uu xanbaarsan yahay, ee yaan lagu qiimeyn qofka sheegtay oo keliya.”
Hadaba anigu waxaan qabaa inaan qofka la eegin ee fikirka xoogga lasaaro sihufan oo aan caadifad lahayn.
Wabillahi tawfiiq
🚨Applications are now open!
Are you a mid-level #woman#journalist or editor with 5-10 years of newsroom experience? Are you working in an emerging, transitional or fragile state? Do you have a passion for transforming the #media industry?