Gabdhahaan Soomaaliyeed ee loo taba baraayay dagaalkii xoraynta Ogaadeen 1977 isma ayna lahayn 2023 rag soomaali ah ayagoo waliba qoslaayo suud iyo tay xiran ayaa dadaalkiinaan ka dhigi doono hal bacaad lagu lisay
Soomaaliyana ku soo hogaamin doono isla cadowgaas aad dagaalka kula jirtaan guryihiinina uga soo takteen
Musiibidu midaan ma ahan musiibadu waa in dhulkii soomaali galbeed la iska iloobay oo maanta ciidanka itoobiya intii xorta ahayd waagaas ay dadka ku dulaysanaayaan magaalooyinka Luuq iyo garbahaarey tusaale ahaan .
Hadii ay gabdhahaan noolyihiin runtii waan ka xumahay in aad maanta sidaas arkaysaan .