Hambalyo shacabka Soomaaliyeed maalinta weyn ee 1-da Luulyo 🇸🇴
Maalin qiimo badan oo astaan u ah xorriyadda, midnimada, iyo gobannimada dalkeenna.
Ilaahay ha dhowro Soomaaliya, hana siiyo nabad, horumar, iyo midnimo waarta.
Soomaaliya ha noolaato
Haddii gabar yar oo danyar ah lagu xukumo xabsi adag, halka dad kale oo hadallo culus sameeyay ay bannaanka joogaan, shacabka xaq bay u leeyihiin inay is weydiiyaan: caddaaladdu ma siman tahay Caddaaladdu ma aha in la kala xoog bato, waa in la kala xaq bato
Waqtigii hoggaanka dalka wuu dhammaaday. Xalku ma aha kursi la isku dhejiyo ama kala qaybsanaan, balse waa ixtiraamka heshiisyada, wada-hadal iyo danta qaranka.
Madax kasta oo muddo-xileedkiisu dhammaado isagoo aan dalka gelin colaad cusub ama dhiig daadin, waa inuu ku wareejiyaa xukunka si nabad ah. Weerarka iyo aflagaadada joogtada ah ee loo geysto madaxdii hore waxay dhaawacaysaa midnimada bulshada iyo haybadda dowladnimada
Shacabku waxay filayeen nabad iyo amni, balse maanta waxaa muuqda xiisado siyaasadeed iyo mucaarad sii xoogeysanaya. Dad badan waxay isweydiinayaan halka ay ku dambeysay ballanqaadyadii la sameeyay. Danta dalka iyo midnimada shacabka ha laga hormariyo kursi kasta.
Marka muddo-xileedyo dhammaadaan, kalsoonida shacabka waxaa lagu soo celiyaa wada hadal iyo doorashooyin hufan, ee laguma xalliyo isdiiddo iyo xiisad siyaasadeed. Dalka ha loo tudho, shacabka ha la maqlo, miiska wada hadalkana ha la isugu yimaado si loo gaaro heshiis qaran
Waxaa murugo iyo caro leh in shacab badan laga barakiciyo guryahoodii, dhiig iyo dhaawacna uu ka dhasho go’aanno aan naxariis iyo masuuliyad lahayn. Hoggaamiye aan dheg u dhigin cabashada shacabka, kana aamusa xaqdarrada dhacaysa, ma mudna kalsoonida ummadda. Xasan Sheekh
Somaaliya waxay u baahan tahay heshiis siyasaded oo loo dhan yahay ma aha dorasho lagu degdego iyadoo aan amni iyo kalsoni jirin Doorasho qasab ah waxay horsedi karta colaad iyo burbur. Danta dalka ha laga hormariyo danaha gaarka ah Nabadda iyo wadajirka ayaa mudan in la ilaaliyo