Official Twitter account Ismail Turkey, The Founder & Former Vice-President of MATSO Union, Studies at @JamhuriyaUniv, Lecture to Al-Marwazi Secondary School.
Si kasta oo aad u wanaagsan tahay ama u fiican tahay, dadka maalinta ay qalad kugu arkaan ayay wanaaggaagii oo dhan ku illoobaan, halka Eebbe si kasta oo aad u xun tahay ama u dambi badan tahay maalinta aad u towbad keento ayuu xumaantaadii oo dhan ku illoobaa, kuguna cafiyaa!!!.
Qof-ba dhinac ayuu ka raran yahay!!!.
Nolosha adduunyada maanta, dadka hantida leh inta badan, waxay leeyihiin Calool oo horay ayay ka raran yihiin culleys-na ka saaran yahay. Halka dadka danta yar ee aan hantida heysan ay inta badan dusha ka raran yihiin si ay u noolaadaan!!!.
Labada dhir ee gudaha naftaada ku tallaalan mid waa uu macaan yahay, midna waa uu qaraar yahay. Miraha ay ka abuurmeen waa hadalka aad naftaada kula hadasho, waxay ka waraab samaan waxa ugu badan ee Indhahaagu arkaan, kuna riyaaqdo naftaada.
Tirada lo'da Itoobiya waxaa lagu qiyaasaa 54 milyan, tan Suudaanna 42 milyan, balse labaduba waxay caanabooro ka soo dhoofsadaan dibadda. Halka Holland oo lo'deeda tahay 4.2 milyan ay caalamka caano u dhoofiso. Muhiimaddu ma aha kheyraadka aad heysato ee waa sida aad u maareyso.
Qisooyinka kusoo arooray Musxafka Qur'aanka waxa ay la xariiraan, kana waramaan qisooyinka nolosheenna. Waxaan ka baraneynaa kana ogaaneynaa xalka nolosha Adduun iyo midda Aakhiro, Ku daddaal Hana hilmaamin aqrintiisa waqti walba. 1/2
Farxaddu waa Cibaado, ma heli doontid farxad si kasta oo aad Taajir u tahay. Uma arko farxadda dhabta ah inay lacag tahay Laakiin farxaddu waa Cibaado, haddii Cibaadada Eebbe laga ogaado Qalbigaaga, waxaad heli doontaa Farxad iyo Raaxo aan ku dhicin Qalbiyada kale ee Aadamaha!!!.
Nabbi Muxammed (NNKH) ayaa la weydiiyay, waa maxay waxa ugu badan ee Dadka Janno u horseeda??, markaas ayuu yiri: "waa Cabsidda Eebbe iyo Akhlaaqda wanaagsan", sidoo kale waxaa la weydiiyay, waxa ugu badan ee Dadka Naar u horseeda??, markaas ayuu yiri: "Afka iyo Xubinta Taranka".
حكمة: اصنعي نفسك مناخا ايجابيا، واعملي بنصيحة عمر بن الخطاب، واعتزل ما يؤديك.
كوني قوية. . .
XIKMAD: Abuur jawi toggan, kuna camal fal taladdii Cumar binu Khaddaab, ka tag waxa ku dhibaya.
Xoog yeello. . .
إنا لله وانا اليه راحعون.
Waxaan ka Tacsiyaynaa dhallintii iyo haldoorkii bulshadda Muqdisho ee ku geeriyooday qaraxii goordhaweyd ka dhacay magaaladda. Waxaan Eebbe uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo.
اللهم تقبله عندك واجعله مع الصالحين وحسن أولئك رفيقا.