Xasan Sheekh markii ay ku filnaan waayey xaraashka dhulkii danta guud ee gudaha dalka, ayuu u gudbay hantidii Soomaaliyeed ee dibadda taalay. Haddii aan si degdeg ah la iskaga qaban, wuxuu u socdaa in uu jasiiradaha dalka iibiyo.
Hantida qaranku ma aha mid qof ama talis ku takri-fali karto, waa dhaxalka ummadda Soomaaliyeed iyo jiilasha soo socda, waxaana waajib ah in la ilaaliyo laguna maamulo si hufan, isla markaana lala xisaabtamo cid kasta oo ku xadgudubta.
Markii aan akhrinayey sheekada xarunta ay dhiseen Barack Obama iyo xaaskiisa Michelle, oo la sheegay inay ku baxday adduun lacageed oo dhan $850 milyan, waxaa igu soo dhacay farqiga u dhexeeya qof hantida u shaqeeya iyo qof ay hantidiisu u shaqayso oo naftiisa ku horumariya, bulshadiisana wax ugu tara, rajana ugu abuura jiilasha mustaqbalka.
Obama iyo xaaskiisu waxay awood u lahaayeen inay lacagtaas kaydsadaan ama ku maalgashadaan ganacsiyo kale oo sii kordhiya hantidooda. Hase yeeshee, waxay doorteen inay ku maal-geliyaan waxbarashada, horumarinta hoggaaminta, iyo dhiirrigelinta jiilasha soo socda.
Sida ay sheegeen, go’aankaas waxaa ku dhaliyey waayo-aragnimadii, halgankii, iyo caqabadihii ay nolosha kala kulmeen. Waxay go’aansadeen in jiilalka ka dambeeya aysan mudnayn inay la kulmaan duruufihii adkaa, caqabadihii, iyo hayb-soocii ay iyagu soo mareen. Sidaas darteed, ayey guushoodii u beddeleen dhaxal waara oo dadka kale anfaca.
Bulshadeenna Soomaaliyeed waxaa ku jira ganacsato iyo maalqabeenno badan oo Alle hanti ku mannaystay, Allahana u siyaadiyo. Hase yeeshee, su’aasha mudan in la isweydiiyo waxay tahay: maxay tahay ujeeddada ugu dambaysa ee hantida? Ma ururinteeda iyo kororkeeda mise waa isbeddelka iyo raadka wanaagsan ee ay bulshada uga tagto?
Taariikhdu ma xusto dadka ugu hantida badan ee waqtigoodii noolaa. Waxay xustaa kuwii hantidooda ku soo saaray hoggaamiyeyaal waxtar leh, ku dhisay hay’ado bulsho, ku bixiyey adeeg guud, kana tagay dhaxal waara. Waxay xustaa kuwii dhisay iskuullo, jaamacado, maktabado, xarumo cilmi-baaris, isbitaallo, deeqo waxbarasho, iyo hay’ado bulshada u adeega. Waxay xustaa kuwii furay albaabada fursadaha ee jiilasha ka dambeeyay.
Guusha ugu weyn ma aha inta lacag ee aad urursato, balse waa raadka iyo dhaxalka togan ee aad dunida ku dhaafto.
Former president Hassan Sheikh must cease his violent actions against opposition leaders and the public. His legal term is up. We need to proceed to elections based on consensus immediately. I urge the Somali people to remain strong & security forces to protect our citizens. 1/3
Netherlands with approximately 451 kilometers coastline has eight (8) major ports.
Sweden with approximately 3,572 kilometres (the longest in the EU) has 53 major ports.
Somalia with 3,333 kilometres (the longest in mainland Africa) has only five (5) deepsea ports.
Netherlands with approximately 451 kilometers coastline has eight (8) major ports.
Sweden with approximately 3,572 kilometres (the longest in the EU) has 53 major ports.
Somalia with 3,333 kilometres (the longest in mainland Africa) has only five (5) deepsea ports.
This is how Turkeye is going to drill the Curad-1 well. The Curad-1 well, Somalia's first offshore drilling project launched in April 2026, is planned to reach a total depth of 7,500 meters (about 4.6 miles). Which platforms is Turkey going to use?
Le Président Guelleh a pris part par visioconférence à la réunion internationale sur la libre circulation maritime mondiale.
#Djibouti#MaritimeSecurity#Hormuz