Mogadishu University Legal Clinic center is established on September 1st 2016. The Legal Clinic is located in the the University's Sharia & Law Faculty.
Sida ku xusan qodobka 34-aad ee dastuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya "Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad sharciga waafaqsan ka furto maxkamadaha awoodda
u leh "
Sida ku cad qodobka 29-aad ee dastuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya "Carruurta looma diri karo inay qabtaan hawl, ama adeegyo aan ku habboonayn da’dooda, ama halis gelin kara caafimaadkooda ama koritaankooda"
Sida ku xusan qodobka 24-aad ee dastuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xiriir shaqo caadil ah.
Sida ku xusan qodobka 18-aad ee dastuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba.
Sida ku xusan qodobka 15-aad ee dastuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay xorriyaddiisa shakhsiga ah iyo nabagelyada qofnimadiisa
Sida ku cad qodobka 10-aad ee dastuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya Karaamada aadanuhu waa deeq Ilaahey Subxaanahu wa tacaalaa ku mannaystay qof kasta oo Banii’aadan ah, xuquuqda aadanahuna deeqdaas ayey ka dhalataa.
Sida ku xusan qodobka 11-aad ee dustuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya Muwaaddiniinta oo dhan, iyagoo aan loo eegin lab iyo dheddig, diin, xaalad bulsho ama dhaqaale, afkaar siyaasadeed, qabiil, naafannimo, xirfad, dhalasho iyo afguri toona...
Qodobka 19aad. Xurmada Hoyga.
Sida ku xusan qodobka 19-aad ee dustuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya,Qofna gurigiisa ama meeshii kale ee isaga u gaar ah lama geli karo, lama baari karo, lamana basaasi karo amar garsoore oo sababaysan la’aantiis.
Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta .
Sida ku xusan qodobka 18-aad ee dustuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya,Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar ..
Qodobka 16aad. Xorriyadda ka-mid-noqoshada.
Sida ku xusan qodobka 16-aad ee dustuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya,Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu ku biiro qof kale ama koox....
Addoonsi, Midiidin iyo Ku-shaqaysi Qasab ah.
Sida ku xusan qodobka 14-aad ee dustuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya,Sinaba qof looma addoonsan karo, midiidin lagama dhigan karo, lagama ganacsan karo, qasabna looguma shaqaysan karo.
Qodobka 26aad. Hantida
Sida ku xusan qodobka 26-aad ee dustuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya, Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu hanti yeesho, ku dhaqmo, ku naalloodo, iskana gado ama
iska wareejiyo markuu doono.
Sinnaanta
Sida ku cad qodobka 11-aad ee dustuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya, Muwaaddiniinta oo dhan, iyagoo aan loo eegin lab iyo dheddig, diin, xaalad bulsho ama dhaqaale, afkaar siyaasadeed, qabiil, naafannimo, xirfad, dhalasho iyo .....
Karaamada adanaha.
Sida ku xusan qodobka 10-aad ee dustuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya, Karaamada aadanuhu waa deeq Ilaahey Subxaanahu wa tacaalaa ku mannaystay qof kasta oo Banii’aadan ah, xuquuqda aadanahuna deeqdaas ayey ka dhalataa.
Xurmada Hoyga.
Sida ku cad qodobka 19-aad ee dustuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya "Qofna gurigiisa ama meeshii kale ee isaga u gaar ah lama geli karo, lama baari karo, lamana basaasi karo amar garsoore oo sababaysan la’aantiis."
Habka Dacwad Qaadista.
Sida ku cad qodobka 107-aad ee dustuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya " Go’aan kasta oo maxkamadeed waa inuu ku qotomo sababo sharciyeed."
Habka Dacwad Qaadista.
Sida ku cad qodobka 107-aad ee dustuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya " Go’aan maxkamadeed lama gaari karo haddii aan la siinin dhinacyada fursado isku mid ah oo ay ku soo bandhigaan doodahooda"
Habka Dacwad Qaadista.
Sida ku cad qodobka 107-aad ee dustuurka ku meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya " Dacwad-qaadistu waxay u furan tahay dhegeysiga dadweynaha, hase yeeshee maxkamaduhu waxay go’aansan karaan in dacwadda lagu dhegeysto qol ka xiran ...."