Waxaan qoyskiisii, BFS, guud ahaan bulshada Soomaaliyeed iyo qarankaba uga tacsiyadaynayaa geerida ku timid Guddoomiyihii hore ee BFS, Mudane Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Alle su’aasha ha ku sugo, qabrigana ha u waasiciyo.
Hambalyo, sannadguuro wacan.
Caawa oo kale, 01-dii July 1960 waxay u ahayd ummadda Soomaaliyeed habeen qof kasta ku fikiri jiray in uu mar uun marag ka noqdo, waxay ku astaysan tahay cawo midnimo iyo xoriyad u bilatay Shantii Soomaaliyeed ee qolo kasta gees u taagnayd. Hambalyo.
Haweenay kasta oo Soomaaliyeed, lama soo koobi karo kaalinteeda quruxda badan ee ay ku leedahay halganka dib u dhiska dalkan, rafaad kasta oo la soo maray waxay ahaayeen haweenku buundada lagaga soo gudbay xaaladahaas oo dhan.
Hambalyo #InternationalWomensDay
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
Waxaan tacsi tiiraanyo leh u
dirayaa, ehel kii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariisto S/G. Farxaan Maxamuud Aadan “Qaroole”
Waxaan Madaxtooyada Qaranka ku marti qaadday dhallinyaradii soo abaabulay Barnaamijka Somali Leadership Awards, oo lagu maamuusayey haldoorrada Soomaaliyeed ee doorka wanaagsan ka qaatay u adeegidda bulshada oo lagu qabtay magaalda Muqdisho.
🔗Faahfaahin: https://t.co/oepyhpURTG
H.E @M_Farmaajo begins official visit to #Turkey at the invitation of President @RTErdogan to join fellow African Heads of State & government officials for the two-day #TurkeyAfricaSummit in #Istanbul. The President was accompanied by FL @SaynabMoallim and other senior officials.
Sharaf weyn ayay noo ahayd in ay Safaaradda nagu soo booqato Marwada Koowaad @SaynabMoallim.
Waxaan uga warramay xaaladda guud ee jaaliyadda dalkan deggan & sida Saafaraddu ugu adeegto bulshada.
Sidoo kale, xidhiidhka labada dal ayaanu uga xog-warranay.
@TheVillaSomalia
Waa ii farxad ah in uu hirgalay cusbitalkan u gaarka ah hooyada iyo dhallaanka ee Degmo Hobyo, waxaan u mahadcelinayaa cidkasta oo garab nagu siisay, oo Qatar Charity ugu horeyso.
Waxaan hambalyo u dirayaa Amb. Sahra @Zahradaantush, safiirkeena cusub ee Soomaaliya u fadhiya Dalka aan saaxiibka nahay ee Tanzania. Amb. Sahra waxaan ku amaanayaa waddaniydda iyo halgankeeda dal-dhiska ah ee ay xiliga hore soo bilowday, shaqada qaranka Alle ha kuu fududeeyo.
Innaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun, guud ahaan ummadda Soomaaliyeed waxaan uga tacsiyadaynayaa geerida naxdinta leh ee ku timi Alle ha u naxariisto e Abwaan Ibraahin Ismaaciil Sugulle (Sooraan) oo Burco ku geeriyooday, Alle ha u naxariisto, ehelkana samir Alle ha ka siiyo.