Ilaahay waxuu amaanay kuwa ilaaliyey amaanadooda. Amaanada haddaynu u naqaanay lacag la uruuriyo way ka balaadhan tahay, ta koowaad waa ta diinta, ta labaadna, waa ta dadka. Qofka ubadkiisa hagaajiya, amaanadii wuu ka soo baxay, kii kalena khiyaamo ayuu sameeyey loo qabsan doono
Wakhtigii aad Ramadan Siin jirtay Cibaadada, Sadaqada iyo Tahajudka sii wada oo ha joojin!!
Ha Noqon Ramadaan Caabud ee Noqo qof ilaahay cabsidiisu hayso oo u baahan alle mar walba iyo goor kaste.
"Alle ha idin barakeeyo"
#nala_faafi_khayrka
Dhallinyarooy, ku dadaala Cibaadada labada cisho ee hadhay, ducaysta, ilaahay barya oo haka daalina, maalmo tirsan ayeynu ku jirnaa, Alle ha idinka aqbalo ducadiina iyo Acmaasha khayrka ah ee aad samaynaysaan.
Sh Maxamed Sh Cumar Dirir.
#nala_faafi_khayrka
Waa Jimcihii u dambeeyey ee Bishan Ramadaan, waa Gabogabadii 10kii dambe ee Ramadan, ilaahay ha inaga aqbalo acmaashii badneyd ee aynu gudanay Bishan Barakeysan. Ha la dadaalo inta inoo hadhay oo wakhtigaaga ka Faa'idayso.
#nala_faafi_khayrka