Waxaan shacabka Puntland iyo Madaxdooda ugu
hambalyeynayaa sannad-guurada 28-aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Puntland
Puntland waxay astaan u tahay nidaam maamul oo ku dhisan xasillooni siyaasadeed iyo nabadgalyo, waxayna door muuqda ku leedahay geedi-socodka dowlad-dhiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Waxaan mar kale u rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed ee Puntland & madaxdooda horrumar iyo barwaaqo waxaana ku boorrinayaa inay illaashadaan nabadgalyadooda islamarkaana ay sii xoojiyaan kaalintooda kaga aadan sidii ay Soomaaliya ku gaari lahayd dowladnimo sal adag.