Erey-bixin:
■ ilikuwareertay:dhulka inta ishu qaban karto.
■ muggaabo/maggaabo:caano la soo lisay oo la cantuugo.
■ tibbaday:abbaaray ,toos u beegsaday.
■ godley:geelii oo lamaalayo , godolku waa caanaha inta candhada ku soo dhacda.
■ ugbaad:doog badan oo aan weli la daaqin.
"Don't think you are late in life, Every flower has its own time to bloom."
"Ha u malayn inaad daahday nolosha, ubax kastaa wuxuu leeyahay waqti u gaar ah oo uu ku ubaxo."
Baydadkan hoose waxay tilmaamayaan in garashadu ay tahay wax u mihiim ah qofka , oo uu wax ku qiimayn karo ama ku kala saarikaro:
Hees;
"Intay garashaduu kugu gaabantahay ,abaal aad gashaa wax ma goynayee
Isma garaninoo gu' baa kuu dhimanee,
Ha i gohaadininee gooha iga daa."