Innaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun.
Allaha u naxariisto Shariif Mustafa Nuur, qabrigiisa Allaha u waasiciyo marti la jecel yahayna Allaha ka dhigo.
Waxaan halkaan uga tacsiyadeynayaa dhamaan reer Mustafa Nuur gaar ahaan Sxb-kay Agaasime Cumar Mustafa Nuur.
Allaha u naxariisto inta ku dhimatay qaraxyada Muqdisho ka dhacay, qoyskii ay ka baxeena samir iyo imaan Allaha ka siiyo, inta dhaawacana waxaan Allaah uga baryayaa in uu caafimaad taam ah siiyo.
Allaha ka qabto umada dhagar-qabayaasha aan dad, dal iyo diin toona dan ka laheyn.
Alxamdulillaah. Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay October 7 abaarihii 09:45 am Gabari inoogu dhalatay isbitaaalka North Middlesex Hospital ee Magaalada London. Gabadhaas oo aan u bixinay Faaduma (Fatima).
Gabadheydiyeey, Allaha kaa dhigo tii Waalidkeeda, ddd anfacda.
When people come together, they can even mend a crack in the sky.
Hogaamiyihii kala saari waayay QARANKA IYO QOYSKIISA, EEX, CADAALAD DARO iyo CABURIN wakhtiga kaga dhamaaday ayay geerida Siyaasadeed dhibaysaa.
#Wadaadkii yimid wakhtigii dhamaayoo wuu dhaqaaqi doonaa. I.A
Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darnaan jirayee, bal dayaay (Wadaadkii, Wasiiradii) waakaas la ansixiyay.
Balanteenu waa 19 December 2022 iyo isbedel khayr qaba. Insha'allah
229 COD AQLABIYAD AH. Xukuumad ansixinteedu aan loo hoos fariisan Dowlad goboleed.
Way ku mahadsan-yihiin Xildhibaanadii codka aqlabiyada ahaa ku ansixiyay xukuumada RW Xamsa.
Hambalyo Gollaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya. Allaha idin fududeeyo shaqada culus ee idin hor taala.
Innaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun. Illaahay ha u naxariisto Xil. Wasiir Sh. Xasan โLugbuurโ iyo intii kale ee ku dhimatay, inta dhaawaca ahna ha u boogga dhayo qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo. Ehelka iyo qaraabada samir iyo iimaan Allaha kasiiyo.
Hambalyo, hambalyo, hambalyo Najla Axmed Rashiid. Adeer maanta waa maalintaada. I hope you have a wonderful time graduating, and the best of luck to you in the future!๐
Hambalyo iyo duco ayaan u dirayaaย Ra'iisal Wasaaraha cusub, Md. Xamza Cabdi Barre waxaan u rajaynayaa in uu Allah u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee horyaala.
Guul iyo gobanimo.