Marka hore, waxaan u mahadcelinayaa Eebbe (Al-Xayyu Al-Qayyuum) — ee ah mid nool weligiis, xikmad iyo awoodna ku dhammaatay.
Waxaa la yiraahdaa: “Qof aan dadka u mahadcelin karin, Eebbana uma mahadnaqo.”
Sidaas darteed, waxaan si kal iyo laab ah u muujinayaa mahadnaq iyo qadarin sare oo aan u hayo Mudane Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed.
Maamulka Xabsiyada Dalka, gaar ahaan maamulka iyo saraakiisha Xabsiga Qaaliti, waxaan uga mahadcelinayaa wanaaggii ay ii muujiyeen intii aan xabsiga ku jiray.
Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa hay’adaha amniga ee dalka — gaar ahaan: Ciidanka Difaaca Qaranka, Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka (NISS), iyo Ciidanka Booliska Federaalka — kadib markii Eebbe ii soo celiyey xorriyaddayda, ixtiraamkii iyo qadarintii ay i siiyeen, gaar ahaan intii aan ku sugnaa magaalada Addis Ababa.
Waxaan kaloo si weyn oo aan hadal lagu koobi karin u dareemayaa waajib igu ah inaan u mahadnaqo dalkeenna Itoobiya — oo ah astaanta sharafka iyo karaamada Qaaradda Afrika.
Ilaahay ha barakeeyo shacabka iyo dhulka Itoobiya.
@EGaraad_ @US2SOMALIA@SwedeninSomalia@NorwayInSomalia@UKinSomalia Adeer Muuse Biixi yow degaalka jiida hore tag ama iskadaa hadalka meesha wax kuma hayside. Dhalinyarada soomaaliyeed nolol iyi horumar ayay ubaahan yihiin ee degaal uma baahna.