Muslimiintiyow... maalintiinani waa maalin weyn, ciiddiinnani waa munaasabad qiima badan... Allaah ne wuxuu naga mudan yahay in aan weyneyno oon uga shukrino nicmooyinkiisa waaweyn. Allaah aan uga shukrino in uu na gaarsiiyey Ramadanka, noona kaadshay ilaa aan dhammeystiranay. Immisa ayaa niyaddoodu sidaas aheyd oo aanay geeridu ku simin oo aan gaarin Ramadaanka ama aan dhammeystiranba. Ciid mubaarak, Allaahna ha naga aqbalo annaga iyo adinkaba acmaasha teeda wanaagsan (suuban), hana nagu galladeysto ka xoreynta naarta dhamaanteen. Sidaas iyo Ciid wanaagsan #Al_Saadicuun_Bil_Xaq #The_Proclaimers_of_the_Truth #Ciid_Mubaarak