Waxaad iiga tagtay xasuus tii u wanaagsanayd,
Adduunkana barwaaqaan kuu rajayn, Aakhirana Janno.
Waxaan rajaynayaa inaan dib ukulano, maan arag shakhsi kula mida, dunida way ku yaryihiin adoo kale.
Wanaag baan kuu hayaa, dib ayaan ka garowsaday qalooc walba inaan sabab u ahaa.๐
Nin labaatan wiil leh iyo nin aan weli lammaanaanin,
Lixdan nin ay u foofto iyo nin aan layli raranaynin,
Laalays nin fuula iyo ninkii lugo ku rooraaya,
Ko haddaan ninaba laasanayn
waxan u laacaaya,
Maxaan kaga lulmoodaa adduun lumaya weeyaane.