Waxaan maanta ka qeyb galay xiritaanka Shirweynaha Haweenka Ganacsatada #Somalia oo maalmihii uu Caasimadda ka socday lagu soo bandhigay sida ay Haweenku u yihiin udub dhaxaadka Hal abuurada Ganacsi & hormarka Dhaqaale ee dalka ka jira, Waxaan bogaadinayaa Abaabulayaasha Shirka
Waxaa farxad ii ah inaan xaadiro madal aad u qurux badan oo lagu abaalmarinayo Shaqsiyaadka Waxtarka u leh Bulshada, Xarumo Waxbarasho & kuwa Caafimaad oo lagudoon siiyay abaalmarinta Haldoorka Bulshada ee 2022 oo ay soo abaabuleen teamka Somali Awards
Waxaan u Hambalyeenayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane @HassanSMohamud oo qaatay Shahaadada sare ee PhD ee Cilmiga Nabadda, Maamul wanaaga & Horumarinta, Si lamid ah Mas'uuliyiintii qeybta ka ahayd Xafladda qalin jabinta dufcaddii labaad ee Jaamacadda QM
Waxaan maanta mar kale aan ku qabanay Degmada Wadajir ee G.Banaadir kulan Dadweyne oo ay Shacabka Degmada qeybahoodi kala duwan iyo maamulkaba Degmada ka qeyb galeen kaa oo lagu taageerayo Kacdoonka Shacabka iyo midka Ciidamada Qalabka sida ee ka socda Gobolada dalka #Somalia
Waxaan maanta ku daahfurnay Degmada Boondheere ee G.Banaadir kulan Dadweyne oo ay Shacabka Degmada qeybahoodi kala duwan iyo maamulkaba Degmada ka qeyb galeen kaa oo lagu taageerayo Kacdoonka Shacabka & midka Ciidamada Qalabka sida ee ka socda Gobolada dalka #Somalia#Mogadishu
Waxaan Galabta aan gaarsiinay ehelada & Bukaanada kujira isbitaalada Muqdisho dadkii waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxyadii Soobe Gurmad ay iska soo uruuriyeen Shacabka iyo Maamulka Degmada Xamarweyne, Si lamid ah waxaan u qeybinay Lacago ay soo sadaqeeysteen Gabdho Soomaaliyeed
Waxaan Shacabka iyo Maamulka Degmada Xamarweyne ay maanta nasoo gaarsiiyeen Taakuleyn ay iska soo uruuriyeen oo Guddiga Gurmadka G.Banaadir uu ka gudoomay si loo gaarsiiyo Ehelada iyo Bukaanada ku jira Xarumaha Caafimaadka Magaalada Muqdisho #Somalia#Mogadishu
Si loo dardargeliyo Arrimaha Gudmadka ee socda ee Dadkii dhibaatadu kasoo gaartay Qaraxyadii Soobe waxaan soo saarnay Warsaxaafadeedka hoos idinkaga muuqda