Ciyaaraha kala duwan cidda ciyaaraysa waxay ka heshaa darreenno qurxoon, haddaba hargeysa halaga furo goobo ay gabdhuhu ku ciyaaraan si aan u daawanno, inaanu taarabuunka fadhiisanno oo aanu kala taageerno waxa tan ka helaya farxad ogaalka gabdhaha iyo annaga ogaalkayaga.
Su'ashu waxay tahay int Media ay Trump iyo saaxiibadiis la shir yimaaddeen miyaysan ku dhammaysan kari lahayn si dadban oo ROOM LIVE ka baxsan? Haddii ay dimuqraadiyad ah `` High Level " ay ku muujinayaan miyaysan hadal xor ah oo Freely siiyeen Madaxweynaha Yukrayn ? GREAT SHOW
This is a Show: Jilliinka labada oday ee USA iyo yukrayn waa sheekada dibiga gawrac wayshu ha quusatee oo ruushka ayaa la tusayaa waallida iyo geesinnimada Trump balse ruushkii waa ayba qoslayaan iyagoo leh inaad is feedhaan bay ku wacnayd. π
J57 mini sky city, waxa uu ka kooban yahay 57 dabaq, waxa lagu soo koobay dhismihiisa 19 maalmood.
Mucjiso ma ahan ee waxay dhiirrigelin u tahay nafaheenna iyo in wax walbo oo waqti dheer kugu qaadan lahaa lasoo gaabin karo waqtigiisa.
Mar kasta oo siyaasadda somaliland cirka isku shareerto waa mar kasta oo dadku isu soo dhawaanayaan, is fahmayaan sidoo kale xaqiiqsanayaan inay yihiin dawlad dimuqraadi ah oo ay dhexdeeda ka furmi karaan challenges ay u haystaan dastuur iyo xeerar.
Khiyaal kasta oo qurux badan waxa lagu sharraxaa aflaamta, sawirkan waa mid kamid ah quruxdii hal-abuur ee lagu ladhay filimkii βElysium".
In aad maskaxdaada wax ka sawirto adduunka waxay ka joogtaa qiimo. !!