.@M_Farmaajo must return because Somalia needs him now more than ever. His words resonate deeply with me & have played a significant role in making me love my country. Before his presidency, I had little understanding of what was happening in Somalia, but he changed that for me.
Shirkii uga socday Muqdisho hoggaanka dalka iyo qaar ka mid ah madaxda Dowlad-goboleedyada, 2-dii Todabaad ee la soo dhaafay, in uu ku soo dhammaaday fashil & natiijo la'aan waa mid kala qaybin u horseedaysa shacabka Soomaaliyeed, hubanti laโaan siyaasadeedna ka abuuraysa dalka.
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐?
Puntland abaal siyaasadeed oo aan la soo koobi karin bey ku leedahay Jubaland. Waa mar ay jiritaan ahaan u difaacdo muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mar ay siyaasad ahaan u badbaadiso muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo.
Taas caksigeeda waxaa qormaysa taariikh filan-waa ah, iyadoo maamulka Jubaland uu hayo xilka Raโiisul Wasaaraha Jamhuuriyada, ayay Puntland dareemeysaa faquuq iyo fogayn kaga imanaya dhanka Dowlada Federaalka.
Waxaa la hadal hayaa in Madaxweyne Madoobe shirka madasha kaga khudbeeyey in Punland laโaanteed aanan goโaanno masiiri ah la gaari karin. Haddii ay dhab ka tahay oo uu Puntland u abaal gudayo iyo haddii uu hadal hayn kaliya uga dan lahaa, waxaa laga ogaan doonaa war murtiyeedka shirka laga soo saari doono.
I want to thank the communications and operations teams in Puntland for working closely with our delegation to facilitate the successful meetings between former presidents @M_Farmaajo and H.E. Sharif Sh. Ahmed with Puntland's President @HESaidADeni. Their collaboration and hard work delivered strong results to promote inclusive politics in Somalia. Thank you Puntland.
MADAXWEYNE XASAN MA WUXUU QAADAY JIDKII KALA DIRKA DOWLADNIMADA?*
Dastuur waa heshiis bulsho ay kuwada noolaato, mana jirto cid kaligeed ah oo si iskeed ah wax uga baddali karta.
Dunida oo dhan laba jid uun baa dastuur lagu baddalaa. Tan koowaad waa in heshiis buuxa lagu yahay oo cid walba la qanciyey. Tan labaad waa marka awood ciidan talada lagula wareego oo dadweynaha la khasbo. Tallaabadan khasabka ku timid qudheedu ma noqoto mid waarta oo waayo badan sii jiri karta.
Baddalka dastuur aan heshiis lagu ahayn iyo waxa laga dheefo aan ka soo qaato tobankii sano ee u danbeeyey inta dal ee u burburtay natiijo ka dhalatay dastuur aan heshiis lagu ahayn.
YEMEN
Dalka Yemen markii uu guulaystay kacdoonkii Carabta ee ay dhallinyaradu hoggaaminayeen, xukunkii dalkana uu ka dagay Cali Cabdalle Saalax oo uu taladii dalka la wareegay Cabdu Rabbo Mansuur wuxuu daah furay qorshe qaran oo ah diyaarinta dastuur ka duwan kii hore. Xoogag kala duwan oo saamayn weyn lahaa ayaa ka hor yimid. Buuqii iyo qalalaasihii bartaas ka bilowday wuxuu ku dhammaaday in Xuuthiyiintu ay caasimaddii Sanca la wareegaan, sidaasna ay ku dunto dowladii dhexe.
SUUDAAN
Dalka Suudaan kolkii Cumar Albashiir laga tuuray xukunka oo xoogag isku huwan ahi ay la wareegeen hoggaankii, waxay ku dhawaaqeen dastuur cusub, kii horana wey laaleen. Murankii iyo ismaandhaafkii ka dhashay wuxuu gaarsiiyey Suudaan halka ay maanta marayso. Caasimaddii Khartuum burburkii ugu xumaa abidkeed baa ku habsaday. Suudaantii hormuudka u ahayd Afrika waxa halaagaas baday dood ka dhalatay dastuur aan cidina heshiis ku ahayn.
LIIBIYA
Dalka Liibaya dib u eeg. Kacdoon shacab iyo mid hubaysan ayaa xukunka looga tuuray Mucamar Alqadaafi. Muddo sanado ah ayaa lagu wada joogay shuruuc kumeel gaar ahaa oo heshiis lagu wada ahaa. Iyadoo sidaas xaal ahaa xukuumaddii caasimadda ka talinaysay waxay abuurtay qorshe ah dastuur cusub, waxaaana ka dhashay colaado iyo hadimooyin culculus oo soo jiitay hardan juquraafi-siyaasadeed.
Liibiya, waxaa ceelka ololka badan gunta u dhigay dood ka dhalatay dastuur lagu muransanyahay taasoo baylah iyo burbur ka yeeshay dalkii saameynta ballaaran ku dhex lahaa jiray Carab iyo Afrikaan.
KENYA
Dalka Kenya dood iyo muran ka dhashay damac wax ka baddal dastuur ayaa sigay jawiga dalka, waxaase badbaadisay laantii garsoorka oo xukuntay in sharci daro ay tahay qorshaha wax ka baddalka dastuurka, waxayna sabab uga dhigeen in Madaxweynaha dalka uu qayb ka noqday ololaha wax ka badadlka dastuurka.
GUNAANAD
In Maamulka haatan jira ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka leexdo hannaankii u dagsanaa dhammeystirka dastuurka, lana bilaabo ansixinta dastuur cusub waa aqoon darro, waa damac waalan oo dalka haadaan ku ridi kara.
Madaxweynaha, isagoo og in qorshahan dastuurka aysan cidna ku raacsaneyn, xitaa saaxibadiisa gaarka ah, labada maamul ee Somaliland iyo Puntland oo maqan, ayna diidanyihiin madaxdii hore ee qaranka waa qar iska tuurnimo wayn.
Hadduu Madaxweynuhu kusii adkeysanayo goโaankiisan gurracan, waxaa muuqata in dalkaan uu gacantiisa sababsan doono ( Alle kama dhigee).
Mustaqbalka dalka laba waji baa nagu soo wajahan; in qalalaasaha ka dhasha dastuurkan uu kaligiis garabka ku sito Madaxweynaha uu sabab u noqdo kala irdhoow iyo kala daadasho qaranka oo idil saameeya, dib u xallintiisana ay u baahato shirweyne dib u heshiisiin cusub.
Taas mid kaloo kasii halis badan baa jirta, waana in qalalaasaha ka dhashaa fitnadan dastuurka cusub uu sii fogeeyo xaaladda dalka oo keeni karta in kooxaha argagixisada ahi ku daydaan Taalibaan, oo ayba ku fekeraan iney dalka la wareegaan. Madaxweyne Xasan Sheekh ma waxaa qorshaha ugu jira inuu raaco jidkii uu maray Madaxeynihii Afgaanistaan Ashraf Gaani!
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha, muddo xileedkiisii hore wuxuu lahaa saaxiibo gacanta ka qabta oo marmar talada kula dhaga, laakiin muddo xileedkiisan dalka iyo dadkuba waa nasiib ku nool. Haddaba suโaashu waxay tahay Xasan Sheekh ma wuxuu qaaday jidkii kala dirka dowladnimada?