JIGJIGAAY MA NABADBAA?
Waxaan maanta nabad qab ku imid magaalo madaxda DDS ee Jigjiga.
Waxaa si diiran Airportka Jigjiga iigu soo dhaweeyay dhalinyarada ree Jigjiga.
Waxaana leeyahay waad mahadsantihiin.
KUSHITIGII KU XANUUNSADAY ETHIOPIA OO LAGU DABIIBAYO JIBUTI.
Kushitigu waa Xadaarad xoriyad doona oo kasoo hor jeeda Xadaaradii Abasiiniyaanka ee ku dhisnayd is Guumaysiga.
Waxaan kula talin lahaa Oromada & Affarta inaan horta inagu Ethiopia ku heshiino intaynaan Jibuti aadin.
Waxaan maanta ka qayb galay muxaadaro uu soo jeediyay Dr. Saadiq Enow oo ka dhacday Hotelka Nomad - Nairobi.
Ciwaanka muxaadarudu wuxuu ahaa "Dhibka ka dhasha Khayraadka Dabiiciga ah". Sida Shidaalka & Macdanta.
Waxaa si wada jira usoo qaban qaabiyay ARM TV & HOPE INSTITUTE.
Waxaa sharaf wayn ii ahayd inaan maanta ka qayb galo xaflad lagu daah furayay kitaab la magac baxay "SOOYAALKII SUUBANAHA" oo uu qoray Ustaad Fahad Yaasiin.
Xafladan oo ka dhacday magaalada Nairobi ayaa waxaa kasoo qayb galay dad aad u badan oo ka kooban labeenta bulshada.
BULSHO: 189 (يحيى وطني).
BISHA RAMADAAN & DABAR GOYNTA FAQRIGA.
Waxaan soo jeedin lahaa:
1. Inaan samayno "Sanduuqa dabar gooynta Faqriga DDS".
2. Bisha Ramadaana inaan u madalayno soo uruurinta Zakkada, Sadaqada & Dagara soonka.
3. Ka dibna aan dadka Saboolka ah u qaybino.
MW Mustafe ayaa yidhi waa in la helaa dhaqan siyaasadeed oo ku dhisan ilbaxnimo.
Haduu xisbiga PP doorashadii boobayo.
Haduu xafiisyadii xisbiyada kale bililiqaysanayo.
Haduu madaxda xisbiyada kale xidh xidhayo. Sidee lagu heli karaa dhaqan siyaasadeed oo ku dhisan ilbaxnimo?
Maanta waxaan booqday Xarunta Daraasaadka ee Aljazeera. Waxaana igu qaabilay Madaxa Xarunta Dr. Muhammad Mukhtar Al-khaliili. Waxaana u gudbiyay nuqul ka mid ah kitaabkayga cusub ee
"100 سؤال وجواب عن السياسة"
Si uu usoo aqriyo, iiguna soo gudbiyo aragtidiisa.
Xisbiyada Mucaaradka ah ee DDS ayaa maanta Bayaan soo saaray ay ku cambaaraynayaan sheegashada qaawan ee ay Axsaabta Siyaasada Oromadu ay ku sheeganayaan inay iyagu leeyihiin magaalada Mooyaale & magaalada Dirridabe.
Sharaf wayn bay ii ahayd inaan u gudbiyo Dr. Mohamed Mukhtar Al-shinqiiti kitaabkayga la magac baxay:
"100 سؤال وجواب عن السياسة".
Waxaana ka codsaday inuu kitaabka soo aqriyo ka dibna uu ila wadaago aragtidiisa wuuna iga aqbalay.
Dr.ku waa nin PHD ku haysta culuunta Siyaasada.
BULSHO: 187 (يحيى وطني)
اخرجوا آل لوط من قريتكم انهم أناس يتطهرون.
Xukuumada MW Mustafa ma waxay go,aansatay dadka fiican inay xukuumada ka sifayso?.
Kuwa (Musuq hadheeyay, Kuwa 22kun oo ardaya imtixaankii ku riday iyo kuwa Awoodii ku takri falayna) intuba ay sii dalacaan!!!.