"The children of Gaza are celebrating, chanting: 'We are the children of Mohammed Deif.' Gaza is the city of resilience and patience."
#Qaza#Isreal#Hamas#Qatar
"Hamas has been eliminated. It ended with the withdrawal of terrorist forces from Gaza. There were many casualties, but no one can oppress another people. For the Palestinians who were martyred, I pray to Allah to accept their martyrdom."
#Israel#Hamas
Waxaan daawaday wareysi uu wariye Ayaanle Xuseen Cabdi warbaahinta Hanoolaato kula yeeshay Dr. Daahir Mire Jibriil, oo uu uga sheekeeyay dhacdo xanuun badan oo noloshiisa beddeshay, welina uu la nool yahay dhaawacii maskaxeed ee ka soo gaaray.
Sida Daahir ku sheegay wareysiga, bishii Oktoobar ee 1978 waxaa toogasho lagu xukumay saraakiishii ka dambaysay inqilaabkii dhicisoobay Abriil 9, 1978. Sargaal kasta waxaa la faray in uu u yeerto hal qof oo ehelkiisa ka mid ah, si uu ula dardaarmo. Saraakiishaas waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Macallin Bashiir oo uu dhalay Daahir abtigiis, sidoo kalena ahaa saaxiib ay isla soo koreen. Daahir Mire markaas waa arday 22 sano jir ah oo dhigta kulliyaddii waxbarashada Lafoole ee Jaamacadda Ummadda, kubadda Kolaygana u ciyaara kooxdii Lafoole.
Cabdiraxmaan wuxuu codsaday in loo keeno walaalkiis ahna saaxiibkiis Daahir Mire Jibriil. Galab ayaa Daahir laga soo qaaday Lafoole, waxaana la geeyay xabsiga Biyamuundo ee degmada Xamarjajab.
Daahir wuxuu yiri "Qol cidlo ah ayay i geeyeen. Askari ayaana gadaashayda taagan. Waxaa ii soo galay Cabdiraxmaan Macallin Bashiir oo garan iyo macawiis xiran. Horteyda ayuu soo istaagay. Garankii ayuu kor u qaaday. Labada naas waa laga gooyay oo carun ayaa ka da’ayay. Xuddunta agteeda dhaawac weyn ayaa uga yaallay oo aad moodayso in bahal ka goostay. Macawiistiisa ayuu kor u qaaday. Lugtiisa midig muruq ayaa ka go’naa. Gacmihiisuna way gariirayeen. Farihiisa ayuu i tusay, oo cidiyaha gacmaha iyo lugaha oo dhan way ka baxsanaayeen, oo carun ayaa ka da’ayay.
Cabdiraxmaan oo indhihiisa ilmadu ka dareerayso ayuu igu yiri ‘waxaan kuugu yeeray in aad aragto waxa la igu sameeyay! Labo beri kadibna waa nala tooganayaa!’ Kadibna isagoo aan hadal kale i oran ayuu iga dhaqaaqay. Miyirkii ayaa iga tegay. Maalinkii labaad ayaana soo miyirsaday anigoo Lafoole joogo, labo maalin kadibna waa la toogtay walaalkey Cabdiraxmaan."
Sida uu wariyay, Cabdiraxmaan wuxuu ka seexan waayay sawirkii uu arkay iyo hadalkii uu Cabdiraxmaan ku yiri, wuxuuna go'aansaday in uu jabhadeeyo. Sababtaas ayuu dalka uga cararay, wuxuuna ka mid noqday hoggaankii SSDF oo uu ka noqday masuulka ugu da'da yar. Halgan dheer kadib waxay qabsadeen Puntland, wuxuuna ka mid ahaa dadkii aasaasay maamulka Puntland.
Kadib, ayuu Daahir Mire Jibriil wuxuu waxbarashadii ay jabhadnimada uga tagay ka sii watay Mareykanka, wuxuuna Bachelor, Master iyo PhD ka qaatay jaamacadda California oo uu ka bartay xallinta khilaafaadka.
Wareysi kale oo uu siiyay Saab TV ayuu Dr. Daahir Mire Jibriil oo ilmayana ku sheegay in uu mar kasta ku qarwo muuqaalkii walaalkiis iyo saaxiibkiis Cabdiraxmaan Macallin Bashiir, iyo hadalkiisii ahaa "Waxaan kuugu yeeray in aad aragto waxa la igu sameeyay!"
Waa dhacdo tusaale nool u ah tacaddiyadii ay ku kaceen askartii dalka afgambiga ku qabsatay 55 sano ka hor maanta oo kale. Digsiga karka kuleyl ayaa ka keena. Gaboodfalladii askarta waxay sababeen in shacabkii ka kacdoomo gumaadkii, caburintii, iyo xagudubyadii loogu gaystay magaca dowladnimada, waxaana laga dhaxlay in dalka lagu kala cararo.
Kalitalisyadu si ay u sii joogaan xukunka ayay maciinsadaan caburinta iyo gumaadka shacabka, taas oo ugu dambeyntii keenaysa in shacabku qarxo, taladu faraha ka baxdo, dalkuna burburo, sida ka dhacday Yaman, Liibiya, Suuriya, Suudaan, iyo Soomaaliya.
Daahir Mire Jibill isagoo ah arday 22 sano jir ah ayuu ka gadooday gumaadkii askartu kula kaceen walaalkiis ee ku qasbay in uu waxbarashadii ka tago oo duurka ku jabhadeeyo muddo 13 sano ah, si uu dadkiisa iyo deegaankiisa uga dulqaado gaboodfalladii askara, wuuna ku guuleystay. Wuxuuse ilaa iyo maanta la nool yahay oo uu habeenkii ku qarwayaa saskii iyo uurkutaalladii uu dhacdadaas ka qaaday 45 sano kahor.
@FahadBinYasin Fahad iyo Farmaajo Tabar ee Mirinaayo ama Xaafad kale ku xertaan malahan, Wadankaana Madaxweyne Xasanaa loogu dambeynaa Wixii u Khaldana Dad gacanta ka qabaayo waa joogaan laakiin ma noqon donaan Team N&N.
لم أر قط جلداً وصبرا مثل الذي رأيت على وجه القائد إسماعيل هنية الذي زرته في بيته قبل قليل، لأداء واجب العزاء باستشهاد ستة من أبنائه وأحفاده. رحم الله شهداء غزة، وربي يفرج الكربات عنهم، ويشف مرضاهم، ويشد أزرهم.
Waxaan caawa gurigiisa ku soo booqday Hogaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniya, si aan uga tacsiyeeyo geeerida xanuunka badan ee qoyskiisa ku dhacday. Sabirka iyo adkaysiga wajigiisa ka muuqda oo kale waligay maanan arag.
Hal goob bey ku shahiideen lix qof oo ilmihiisa iyo ilmahay sii dhaleen ka kooban. Allaha uwada naxariisto shuhadada Gaza, dhawaacooda Allaha daaweeyo, guushana wey gaarayaan Inshaa Allaah.
@SomaliPM Xamsow adi lee Isbaarada Shacabka u dhigaayo adi lee ka qadaayo, waxaas Caqliyadeena ma galayaan ee ummadda Xoolahooda haloo dhaafo Canshuurta intaa ugu Cuntaan ha idinku Filnadaan.