Cumar Artan ma gaarin #FIFAWorldCup oo keliya. Wuxuu taariikh dhigay isagoo noqday garsoorihii kubadda cagta ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee halkaas gaara, isla markaana ka mid ah garsoorayaasha ugu wanaagsan #Afrika. Guushaas cidina kama qaadi karto, wax kasta ha dhacaane.
Cumar, aad baan uga xumahay waxa dhacay. Waxaad gaartay heerka ugu sarreeya ee xirfaddaada, waxaadna dhiirrigelisay jiil dalka jooga adigoo halkaas gaaray. In lagaa hor istaagay fursaddii aad u qalantay ma beddelayso taas.
Tani ma noqon doonto halka ay ku dhammaato sheekadaadu. Dunidu way ku garab taagan tahay, waxayna kuu rajaynaysaa samir, adkaysi, iyo in aad mar kale garsoorto kulamo waaweyn oo caalami ah.
Waan ku garab taaganahay, Cumar.
#Somalia
Referee Omar Artan received a hero's welcome when he landed back in Somalia today 🇸🇴👏
The 34-year-old was set to make history as the first person from his country to officiate at a World Cup, but was denied entry.
(via @nasrabashiir)