Mahadsanidiin dhammaantiin!
Mahad gaar ah ayaan u dirayaa qabanqaabiyayaasha, mutadawiciinta, ka-qaybgalayaasha iyo gaar ahaan degmada Vantaa taageerada iyo fursadda weyn ee ay na siisay, in lagu qabto Shirweynaha Iska Warran 2025.
Shirka wuxuu ahaa mid lagu soo bandhigay cilmibaarisyo kala duwan. Shirka waxaa lagu falanqeeyay qodabo aad muhiim u ah sida, shaqo helidda iyo waxbarashada.
Runtii aad bay noo farxadgelisay in aan haysanno dhallinyaro aqoon leh, firfircoon oo wada dhisanaya mustaqbal ifaya.
Mahadcein sawirqaadayaasha. Juke Luoma, Khaled Abdi ja Mahamud Hussein.
Kiitos Iska Warran -konferenssista!
Lämmin kiitos kaikille järjestäjille, vapaaehtoisille, osallistujille sekä Vantaan kaupungille tästä upeasta mahdollisuudesta ja tuesta.
Konferenssi oli inspiroiva, iloinen ja täynnä tärkeitä keskusteluja koulutuksesta, työllistymisestä ja yhteisön vahvistamisesta. Oli hienoa nähdä, kuinka moni toi oman panoksensa yhteisen tulevaisuuden rakentamiseen.
Somalialaisyhteisö Suomessa on vahva, aktiivinen ja arvokas osa suomalaista yhteiskuntaa. 💚🇸🇴🇫🇮
Kiitos myös valokuvaajille: Juke Luoma , Khaled Abdi ja Mahamud Hussein.
#IskaWarran #SomalialaisetSuomessa #Vantaa #Yhteisö #Kiitos
BAHALKU MAR WALBA MA LAHAN MUUQAALKA XAYAWAANKA
Dhallinyaradu ma dhalan iyagoo yaqaan xadgudubka, bahdilaadda haweenka ama jebinta xuduudaha anshaxa. Waxay wax ka bartaan deegaanka, bulshada iyo dadka ku hareereysan noloshooda.
Shalay waxaan aragnay sawir muujinaya gabar yar oo yey iyo waraabayaal ay rifanayaan, kuwaasoo qaab bini’aadan leh.
Dad badan ayaa ka carooday dhacdadaas, waxayna ku tilmaameen bahalnimo iyo dhaqan aan meelna ka soo gelayn bani’aadannimada.
Su’aasha mudan in la isweydiiyo waxay tahay: bahalkaas xaggee ayuu ka yimaadaa?
Waxa murugo leh in mar kasta oo laga hadlo dhibaatada gabdhaha iyo haweenka, ay soo baxaan dad aan ka hadlin dhibaatada lafteeda. Waxay bilaabaan inay ka hadlaan feminism, waxayna isku dayaan inay doodda meel kale u leexiyaan. Halkii ay cambaarayn lahaayeen xadgudubka oo dhibanaha garab u noqon lahaayeen.
Qofka ka hadlaya xaqa gabadha la dulmiyay ma noqdo cadowga diinta. Qofka cambaaraynaya xadgudubka lagula kacay haweeney ma noqdo qof qiyamka la dagaallamaya. Caddaalad raadintu ma aha dembi.
Waxaa yaab leh in qaar badan oo dadkaas ka mid ahi aan laga maqal cod adag marka gabadh la dhibaateynayo oo lagu xadgudbayo! Taas beddelkewda, marka la cambaareeyo falkaas, waxay si degdeg ah u helaan dood ay ku difaacaan qofka khaldan iyagoo si doqon magarto ah diin lasoo booda! Waxaaba dhacda in ay weeraraan cidda dhibaatada ka hadashay.
Diintu uma iman inay gaashaan u noqoto dulmiga. Looma soo dejin in lagu aamusiiyo dhibbanayaasha. Diintu waxay u timid inay ilaaliso karaamada dadka, gaar ahaan kuwa nugul. Sidaas darteed, qof kasta oo diinta u adeegsanaya inuu ka cararo ka hadalka dulmiga lagula kacay gabdhaha, wuxuu ka leexanayaa ruuxdii caddaaladda ee diintu xambaarsanayd.
Dhacdadii gabadha lagu bahdilay bulshada dhexdeeda ma aha dhacdo cirka ka soo dhacday. Waa natiijada dhaqan muddo dheer la iska indhotiray, xadgudubyo la fududeeyay, iyo dad caan ah oo aan laga rabin isla xisaabtan ku filan.
Bulsho caafimaad qabta waxay la dagaallantaa sababta dhibaatada dhalinaysa, ma aha oo keliya natiijada muuqata. Haddii aynu rabno in gabdhaheennu ammaan ku noolaadaan, waa in aynu la xisaabtannaa qof kasta oo saamayn ku leh maskaxda jiilka cusub, caan ahaw ama ha ahaan.
Bahalku mar walba ma leh miciyo iyo geeso. Mararka qaarkood wuxuu leeyahay malaayiin taageerayaal ah, malaayiin daawadayaal ah iyo dad mar kasta u raadiya cudurdaar. Taasi ayaana ka dhigaysa mid ka khatar badan bahalka kaynta dhex jooga.
—Nimco Noor
I embarked on this project yrs ago. Projected publication: Sept 1st, 26.
Pray for me so Allah guides me to bear witness on His behalf. To remain objective in my *independent* research & to transcend all sectarian & historical biases that pollute one's intellect
Islam #Sunna#Shia
Tänään minulla oli ilo kouluttaa yhteiskuntaorientaatiota somalinkieliselle ryhmälle Kotkassa.
Kiitos kaikille osallistujille aktiivisesta osallistumisesta, hyvistä kysymyksistä ja mielenkiintoisista keskusteluista. Oli ilo nähdä, kuinka motivoituneesti ryhmä osallistui koulutukseen ja jakoi omia ajatuksiaan.
Yhteiskuntaorientaation tavoitteena on tarjota tietoa suomalaisesta yhteiskunnasta, palveluista, koulutuksesta, työelämästä sekä ihmisten oikeuksista ja velvollisuuksista. On tärkeää, että tätä tietoa on saatavilla myös omalla äidinkielellä.
Lämmin kiitos osallistujille mukavasta päivästä. Jatkamme koulutusta huomenna.
#Yhteiskuntaorientaatio #Kotka #SomalinkielinenKoulutus #Kotoutuminen #Oppiminen #YhdessäEteenpäin
#UPDATE: Former Somali Presidents Accuse President Hassan Sheikh Mohame of Political "Intimidation" and "Restrictions" on Opposition Activities
Former Somali presidents Sharif Sheikh Ahmed and Mohamed Abdullahi Mohamed, commonly known as Farmaajo, have accused the federal government of imposing political restrictions and exerting pressure on opposition figures in ways they say violate the constitution and democratic principles.
Speaking at a joint press conference in #Mogadishu, Sharif Sheikh Ahmed alleged that he faced significant security and political obstacles while staying at a residence in Mogadishu’s Abdiaziz district near Lido Beach. He claimed that government security forces were used to suppress opposition activities and restrict his political movements and meetings.
Sharif further alleged that authorities sought to intimidate or humiliate him, claiming that essential services to the residence where he was staying had been cut off. According to him, electricity, water supplies, food deliveries, and access for visitors were disrupted during the incident.
“There was a plan to intimidate me or even kill me,” Sharif said. “Electricity, water, and food supplies were cut off, and people who wanted to visit us were prevented from doing so. All of these actions are contrary to the constitution and democratic governance.”
Former President Farmaajo echoed the criticism, accusing the administration of President Hassan Sheikh Mohamud of "obstructing political and humanitarian initiatives and using security forces to contain opposition activities."
Farmaajo also alleged that Sharif Sheikh Ahmed and those accompanying him came under a serious attack involving various types of weapons. He claimed that military equipment normally intended for national defense was used against political opponents.
“For nearly 20 hours, former President Sharif was subjected to an assault using weapons typically deployed against enemy forces,” Farmaajo said. “The intention was either to kill him or inflict serious harm.”
Farmaajo also referenced the role he and Sharif played in previous military campaigns against al-Shabab in Mogadishu, arguing that security institutions and resources established to defend the country were now being used for political purposes.
The allegations have not yet been addressed publicly by Somalia’s federal security agencies. While there have been reports of behind-the-scenes efforts to ease tensions and prevent further escalation, no official statement has been issued by the office of President Hassan Sheikh Mohamud confirming or denying the claims made by the two former leaders.
The accusations come amid ongoing political tensions in #Somalia, where disagreements between the government and opposition groups have increasingly become a subject of national debate.
MURTIDA BULSHADA
Murtidan dadweyne waxaa laga soo ururiyey dunida dhinacyadeeda, geeska bari ee dhulbaruhu maro iyo cirifka galbeed.(Africa iyo Europe)
Helsinki iyo Muqdisho waxa u dhexeeya ku dhowaad 10,000 kiiloomitir, balse masaafadaas kama hor-istaagin dadku in ay is fahmaan. Murtida iyo maahmaahyada ku jira buuggan, waxay ka hadlayaan runta, daacadnimada, waqtiga iyo jaadadka nolosha.
Jiilashii hore, carruurta Soomaaliyeed waxay aqoonta ka baran jireen waalidiintooda iyo awoowayaashood. Barbaarintu waxay ku salaysnayd maahmaahyo, mararka qaarkoodna dhacdooyin iyo sheekooyin. Sheekooyinkaas ayaa ka caawin jiray in maahmaahyadu sii noolaadaan.
Soomaaliya, dhaqanka hadalka ayaa weli si xooggan u nool, waxaana maahmaahyo badan laga heli karaa sheekooyin iyo maansada dhexdeeda. Maahmaahyadani waxay gudbinayaan casharro nololeed iyo xikmad jiilba jiil ka xiga ay u gudbyeen.
Buuggan waxa kale oo ku jira sheekooyin gaagaaban oo sharraxaya halka ay maahmaahyadani ka soo jeedaan.
XIKMADAHA SOOMAALIYA IYO FINLAND
Waa buug cusub oo isku xiraya laba dhaqan iyo laba dal. Haddaba ma xiisaynaysaa maahmaahyada iyo xikmadaha nolosha? Buuggan wuxuu kuu soo bandhigayaa maahmaahyo Soomaaliyeed iyo kuwo Finnish ah iyo weliba sharraxaadyo fudud oo ka caawinaya akhristaha inuu fahmo macnahooda qotada dheer.
Maahmaahyo Soomaali iyo Finnish ah
“Murtidu waa dhaxal aan duugoobin.”
Buugga Murtida Bulshada waxaa qoray.
Qorayaasha: Maippi Luukinen & Nimco Noor
Hoggaan aan haween lahayn waa hoy aan hu’ lahayn.
Falcelin ku saabsan midaynta xisbiyada.
Waxa dhacday munaasabad la sheegay in ay tahay midaynta laba xisbi siyaasadeed ee mucaaradka ah. Marka hore, qof kasta oo arka sawirrada waxa uu dareemayaa in ay tahay dhacdo muhiim ah iyo dad badan oo isugu yimid, hoggaan si nidaamsan u fadhiya, heshiis la saxiixayo iyo muuqaal muujinaya in wax la yagleelayo.
Marka se aad si deggan u eegto sawirrada, waxa soo baxaya wax kale. Safka hore, miiska saxiixa, goobta go’aanka dhammaan waa rag. Haweenka, haddii ay jiraanba, ma joogaan meesha go’aanka lagu gaarayey. Waa sidii fanaaniintii oo kale, oo farxada ka heesa.
Magacyada labada xisbi Xaqsoor iyo Haybad Qaran waa magacyo culus. Xaqsoor wuxuu sheeganayaa caddaalad. Haybad Qaran wuxuu sheeganayaa sharaf iyo matalaad qaran, laakiin marka magacyadaas lagu eego sawirrada xafladda ay ku midoobeen, waxa muuqata su’aal ka weyn munaasabadda lafteeda: caddaaladdii xaggee ayay ka muuqataa, haddii kala bar bulshada aysan joogin miiska? Haybaddii qaran sidee bay u dhammaystirmaysaa, haddii muuqaalka qaran laftiisa aanu dhammaystirnayn?
Maahmaahda Soomaalidu tiraahdo “far kaliya foolka ma dhaqdo”. Maahmaah kale waxay tiraahdaa “gacmo wadajir bay wax ku gooyaan”. Haddana sawirku waxa uu muujinayaa in gacmihii wadajirilahaa ay kala go’an yihiin.
Dhaliisha ugu weyn ee meesha taagan ma aha in raggu hoggaamiyaan.
Dhaliishu waa in hoggaanku noqdo mid xiran. Ragga sawirrada ka muuqda intooda badan ma aha dad indhoxiran. Waxay soo mareen waddamo reer galbeed ah, waxay arkeen nidaamyo haweenku qayb ka yihiin, waxay fahmeen dowladnimo casri ah.
Waxaa isweydiinayaa mudan: sidee qof soo arkay bulsho wadajir ku dhisan, haddana uu u dooran karaa nidaam kala bar bulshadii laga saaro? Su’aashu ma aha aqoon la’aan, waa jihada danta loo arkay.
Dalalka horumaray ma aysan gaarin halka ay joogaan iyaga oo hal dhinac ka shaqaynaya. Waxay gaareen iyaga oo wadajir ku dhisan. Dhanka kale, meel kasta oo haweenka laga saaro hoggaanka, waxaa ka muuqda dib u dhac, dhaqaale daciif ah iyo xasillooni darro. Ka qiyaas qaado qoyska aan hooyada lahayn. Qaranku waa qooysas is biirsaday.
Dhinaca diinteena, Quraanka Kariimka ah wuxuu tusaale u soo qaatay Boqorad Balqis hoggaan haweeney uu Ilaahay ku ammaanay xikmad, la tashi iyo ka fogaansho dagaal. Taasi waxay caddeynaysaa in hoggaanku uusan ku xirnayn jinsi, balse uu ku xiranyahay sida loo fikiro iyo sida loo hoggaamiyo.
Waxaa se suuragal ah in haweenku ay xubno ka yihiin xisbiyada ama ay ku jiraan heerar hoose, laakiin sawirrada xafladda waxay muujiyeen hal arrin oo aan la inkiri karin: ma joogaan meesha go’aanka. Ka mid ahaanshuhu ma aha la mid ahaanshaha go’aan qaadashada.
Marka la soo koobo, munaasabadda waxay ahayd tallaabo, haddana sidoo kale waxay ahayd muraayad. Waxay muujisay in wax la dhisayo, balse ay jirto meel bannaan oo aan la daboolin.
Haddii “Xaqsoor” uusan ka muuqan sida go’aanka loo wadaago, wuxuu ahaanayaa magac aan weli macnihiisii gaarin. Haddii “Haybad Qaran” aysan ka tarjumayn bulshada oo dhan, waxay ahaanaysaa haybad nus ah.
Ugu dambayn, xaqiiqadu way sahlan tahay, inkastoo ay adag tahay in la qiro:
Hoggaan aan haween lahayn waa hoy aan hu’ lahayn.
Qalinka Nimco Noor
@JawaahirDaahir@ha_noolaato@MowliidHaji@abdi_bayr@AbdiAbdinur
Ihana perjantai! Olimme tänään kirjailijavieraina Pasilan peruskoulussa erityisesti yläkoulun oppilaiden kutsumana yhdessä Maipin kanssa. Oppilaat esittivät meille hienoja ja ajatuksia herättäviä kysymyksiä. Lämmin kiitos myös koulun henkilökunnalle hyvästä yhteistyöstä ja järjestelyistä.
Global Somali Diaspora is sending their deepest condolences on the loss of Professor Ali Jimale.May Allah grant him Jannatul Firdows and grant his loved ones Sabr Jamil. He leaves behind a legacy of valuable literature that will continue to inspire and comfort generations to come
Wesley Clark, jeneraalkii hore ee Mareykan ah, ayaa sheegay in dhowr maalmood kaddib weerarkii 11-kii Sebtembar 2001, ee lagu qaaday xarumihii ganacsiga, in uu arkay qoraal ( Pentagon) ka yimid oo tilmaamaya qorshe lagu weerari doono 7 dal oo muslimiin ah muddo 5 sano gudahood.
Dalkaas waxay kala ayaaheey
Ciraaq,
Suuriya,
Lubnaan,
Liibiya,
Soomaaliya,
Suudaan, iyo Iiraan.
Clark ayaa sheegay in Ciraaq uu ahaa dalka ugu horreeyay ee la wajahayo, halka Iiraan lagu sheegay in ay ahayd tan ugu dambeeya ee liiska.
Ma jiraan tolow kuwo kale oo qorsheysan Iiraan kadfib?
Turki iyo Pakistan se ma la qariyey, maadam Pakistan ay ku hubeysan tahay Nukliyeer?
Wax ma ka baran karaan duulaanka maalinba dal lagu goobanayo?
Xataa halgal maahan waa dhammantood, wax dagaalka galaya!
36 dowladood ayaa si middeysan u dumiyey dhamman dowladaah oo aan wax garab ah helin.
Haddan waxay sheegayaan in Islaamka iyo qaxootigu uu dhib ku hayo.
Walle saad dambaad garan!
https://t.co/pECErt2E6M
The President’s visit to Lasanod is a major step toward strengthening national unity—a major victory for unionists. The next critical step is resolving the differences btwn his government and the opposition forces to finalize a mutually agreed electoral framework.