Caalimkii la odhan jiray Samakhshari ayaa laga hayaa in uu yidhi; "Taajirku waxa uu riyaaqaa marka uu arko khasnaddiisa oo lacagi ka buuxdo, caalimkuna waxa uu riyaaqaa marka uu arko khaanaddiisa oo kutub ka buuxdo."
Mararka qaarkood waxaan dareemeynaa in dunidu ay naga soo horjeedo, laakiin qofka kaliya ee naga soo horjeeda waa nafteena, sababtoo ah waxaan u ogolaanaa erayada iyo ficilada dadka kale inay beddelaan niyadda, dareenka iyo habka aan u noolaano nolosheena.