Mareexaan Sade.
Ama waa la maqan yahay oo lagu madax qarsoon yahay ama waa la muuqdaa oo lagu muunad leeyahay.
Oraahdaan waxay si toos ah u taabanaysaa marka aan xukunka joogno sida uu xaalka dalku yahay iyo marka aan ka maqanahay siduu yahay.
Garoowe.
Waxaa gef iyo ihaano weyn ah in rag xoqonayo magaca Beesha Sade in ay Deni kala hadlaan taageerida shaqsi aan ka soo jeedin Beesha Sade si jubbaland uu madaxweyne uga noqdo Hankii bulahadana ay ku aruuriyaan Madaxweyne ku xigeen.