Isku baddal mise isbaddal
Isku baddal: Cabdi-qaasim oo aan Cabdullaahi ku baddalnay, Cabdullaahi oo aan Sh shariif ku baddalnay, Sharif oo aan Xasan ku baddalnay. Xasan oo aan Farmaajo ku baddalnay iyo Farmaajo oo aan Xasan ku baddalnay.
Is baddal: Waa hoggaamin wadata, aragti ku shaqeysa dhiig cusub oo si walba uga duwan, xididdadana u siibta wixi ka horeeyay ee abuuray baahida isbaddal.
I have a dream
RW UK ayaa si laab furnaan ku jirto oo u muuqata in ay tahay xaal marin ku qaabilay MW Ukraine kadib bahdilkii uu kala kulmay MW Trump. Iyada oo qaabilaadiisa lagaarsiiyay mid- heer qaran ah lana kulmi doono Boqorka UK.
Isbaddalka ugu horeeya ee uu Aby Ahmed ku arkayo Xamar, waa askarta galbinaya iyo kuwa ilaalinaya #VillaSomalia oo kuligood Soomaali ah.
Waa marxalad wey oo ay Soomaaliya ka gudubtay.
Safarka xiga waxaan rajeynayaa ashqaraar ka sii weyn.
Madaxweyne iyo labada raysal wasaare hore ayaa fadhiyo siyaasadeed oo waaweyn kuleh Xamar. Shariifka iyo Khayre mowqifkoodu waa cadyahay oo waa mucaarad diiddan sida ay wax u socdaan, gaar ahaan dastuurka iyo doorashada qof iyo cod.
Rooble waa siyaasi waxa uu rabo inta la joogta un u sheega oo aan wali warkiisu caddeyn, waa nin wax badan xeerinaya oo oday u ahaa kala guurki dhibka badnaa ee lagu doortay MW Xasan Shiikh 15 May 2022.
Caadiyan xiliga doorashadu soo dhawaato dalku laba koox ayuu noqdaa. Mucaarad isku saf ah oo ka mideysan ( laba ujeeddo )ridista madaxweynaha jooga iyo in teendhada lagu noqdo iyo Villa Somalia oo leh teendho dambe ma jirto ee doorasho qof iyo cod ah ayaa lagu kala baxayaa. Xusuusteyda kuwi hore oo dhan sidi mucaaradku rabay ayay wax ku dhamaadeen, inkasta oo dowladdu haysato Muqdisho oo ka nabad badan sidi hore iyo waqti ku filan oo ay ku hagaajin karto doorasho heshiis lagu yahay.
Maxay kula tahay?
Xamar xukun askareed kuma soo arag
MW Xasan shalay waxaa lagu doortay waa loo darsaday, ee bal ka warrama haddii berrina aan dhahno “ cid dhaanta lama haayo”!
Laba walxaad oo aan Xamar ku soo arkay haddii aysan is baddalin waxay fursad kale siinayaan MW Xasan.
1: Waxaan arkay shacab iyo siyaasiyiin xor ah oo aan shabaab iyo dowlad midna ka cabsaneyn oo rayigooda dhiibanaya.
2: Waxaan arkay siyaasiyiin qabsanaya kulano lagu dhaliilayo xukuumadda oo ammaanka goobta la leeyahay waxaa sugaya ciidanka dowladda. #Police iyo #NISA
Dhaqankaas inta uu jiro wey adagtahay in Xasan cid dhaanto la helo, ma ogi haddii dowladda gudaheeda dad mucaaradka agendahooda fuliya laga helo.
Mucaaradka howl baa u taal.
Is booqashadu ma shaqo qaran baa?
Waxaan aragnaa madax is booqaneysa, Raysal wasaare wasaarad kormeeraya ama badanaa RW kuxigeen dhowr wasaaradood isku maraya. Xil u kala wareejinta wasiiro iyo xarig jar ama dhagax-dhig cusub waaba loo qaateen, laakin is booqasho maxay tartaa?
Soo dhaweyntiisa saf baa loo galinaa shaqaalihi, kursiga wasiirka ayaa looga kacayaa, kadibna waa iska baxayaa?
Shaqo kale oo ka muhimsan uma taallo miyaa RW ku xigeenka?
Marka FB leyska guursado iyada oo aan horay leys arag, xaalku wuxuu badanaa ku dambeeya “Sidan in aad u egtahay ma moodeyn”
Dhibaatadu waa makeup-ka iyo Filterka.
MW Cabdullahi Yusuf wuxuu ahaa madaxweynihi ugu horeeyay uguna dambeyay ee dowladdiisi ay gole deegaan u sameyso Muqdisho 15 sano ka hor, xili uu dalku sidan ka ammaan xummaa, kana dhaqaale yaraa!
Waxaa aad loo xusuustaa daddaalki iyo doorkii siyaasadeed ee ay dhismaha golahaas ku bixiyeen RW Nuur Cadde iyo RW ku xigeen, wasiirki Warfaafinta Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo ilaa maanta dad badan ay ku xushmeeyaan.
Yaa dumiyay golihi hore?
Waxa kaliya ee aan hubo waa in MW Xasan Shiikh uusan lahayn dhaqanka ah in uu abaabulo kooxo u heesa ama mucaaradka u caaya.
Dowladda wixi la doono ha laga sheego, xaq baa loogu leeyahay in la dhaliilo, wixi caay ahna jawaab ma lahan. Laakin waxaa dambi ah in ay soo baxaan kooxo is diray oo madaxweynaha ama dowladda difaacaya.
Waa dhaqan xun oo ay ku jabeen dowladihi hore oo ay ugu dambeysay tii Mohamed Abdullahi Farmaajo waa in wax laga bartaa CBB iyo 8 kun oo shaqaalaha dowladda ah oo lagu qasbi jiray in ay caayaan mucaaradka, maxaa laga dheefay?
Dowladdu waa in ay talaabo ka qaado sharcina ka soo saarto, dadka ku heesa afka dowladdda ( Guulwadeynta). Waa in lakala diraa kooxaha iyaga oo labisan dharka ciidanka u heesaya mucaaradka, iyo kuwa aan labisneyn ee qaadaya heesaha kala qeybinaya bulshada.
Dalkani kama jiro xukun askareed.
Wareysi 4 qeybood ah oo aan ka qaadnay Prof. Maxamed Cumar Dalka ayuu nagula wadaagayaa waayihiisi nolosha, waxbarashada, Fanka iyo siyaasadda.
Wareysiga 1-aad: Fanka Ma hiwaayad buu u ahaa mise shaqso?
Wareysiga 2-aad : Qisada Heesta #Hodan ma'ahan dhagarreey! ee jawaabta u ahayd eedihi dusha laga saaray ee ahaa in ay iyadu sabab u ahayd geerida Cilmi Boodhari.
Wareysi 3-aad: Wiilkeygi iyo walaalkeey ayaa lagu dilay dagaalki sokeeye.
Wareysiga 4-aad: Turaabi muxuu ka yiri dagaalka Cali iyo Caydiid
Kala soco https://t.co/vqy0QW1d3H