Hambalyo 26-ka Juun – Maalinta Xorriyadda Soomaaliyeed
Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda weyn ee 26-ka Juun, maalintii taariikhiga ahayd ee ay gobolladii Waqooyi ee Soomaaliya ka guud tan gaarka ah,
Maanta waxaan si rasmi ah u qaatay Shahaadada Musharaxnimada Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, taas oo uu ii guddoonsiiyey Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Hambalyo Guddoonka Cusub ee Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Sedaxaad ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee loo doortay hoggaaminta Golaha muddada shanta Sano ee soo Socoto.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Xubnaha Cusub ee Golaha Wakiilada 3aad ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliyeed kuwaas oo maanta lagu dhaariyey munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Magaalada Baydhabo, Xarunta Gobolka Baay.
Hambalyo 15-ka May Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed. 🇸🇴
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan munaasabadda qiimaha weyn leh ee 15-ka May, oo ah maalin lagu xasuusto halgankii geesinimada lahaa
Shacabka qiimaha badan ee reer Koonfur Galbeed,
Codkiinu ma aha oo kaliya warqad la dhiibto, waa rajada mustaqbal wanaagsan,
Maanta waxaan idinkaga baahanahay inaad codkiina ku doorataan isbedel dhab ah iyo hoggaan shacabka u shaqeeya ee aan kursiga u shaqeyn.
Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer KGS, waxaa la joogaa waqtigii ay codkooda uga faa’iideysan lahaayeen mustaqbalka deegaanka, una dooran lahaayeen hoggaan daacad u ah horumarka bulshada iyo ilaalinta amniga
Maanta waxaan si rasmi ah uga soo qaatay kaarka codbixinta xafiiska Guddiga Doorashooyinka, taas oo ah tallaabo muujinaysa muhiimadda ay leedahay ka qeybgalka doorashooyinka iyo xaqiijinta xuquuqda muwaadinimo.