Waxaan si gaara ugu mahadnaqayaa waxgaradka labada beelood ee walaalaha ah oo iyagu gartay in ay dhexdhooda ka heshiiyaan dhibkooda. Mid-mid baan ugu hambalyeynayaa halyeeyadaa nabadda ee heeryadii colaadda maanta ka rogay dadkooda. Reer Somalilandna wada farxad galiyey.