Waxa aan tacsi u dirayaa qoyska, ehelka, asxaabta, waxgaradka, dadka Soomaaliyeed geerida RW hore Marxuum Cumar Carte Qaalib oo xaqii ugu yimid Hargeysa. Alle dambigiisa ha dhaafo, Jannatul-firdowsana ha ugu deeqo, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Aamiin
Waxaanu tuhun weyn ka qabnaa in jidh dil loo geystay Mulkilihii Astaan Tv Hay'adaha xuquuqal aadamaha dunidana waxaanu ugu baaqayna in baadhis madax bannaan lagu sameeyo xaalada u ku jiro Mulkilihii Astaan TV.
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun

Waxa aan tacsi la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan geerida naxdinta leh ee ku timid AHU Dr Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo maanta xaqii u yimid, si gaar ah waxa aan ugu tacsiyadeynayaa ubadkeedii ee qoyska Reer Waqaf ee Dr Aamina & Dr Deeqa. Alle ha u naxariisto.
Munaasibadda Ciidda Carrafo awgeed, waxa aan dhammaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland u rejaynayaa in ay faraxd ku ciidaan, in ay caafimaad ku ciidaan, in ay niyadsami ku ciidaan, in ay walaalnimo & isjaceyl ku ciidaan.
#Hambalyo Munaasibadda Ciidda Carrafo.