Dagaalyahannada Xisbullah , ayaa weerarray ciidanka Israa’iil ee ku sugan meel ku dhow xadka Lubnaan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay hadda baahiyeen. Weerarka wuxuu ka dhacay dhul beeraha ah ee ku dhow magaalooyinka Odaisseh iyo Kfarkela .
Netanyahu, ayaa lagu warramayaa inuu ku amray maamulkiisa iyo ciidanka inaysan ka hadlin wax xog ahna ka soo gudbin duulaanka dhulka ah ee ay ku galayaan Lubnaan
Wax yar ka hor , waxaa kala carar uu ka dhacay Tel Aviv iyo garoonka diyaaradeed ee ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion, kaddib markii Xuutiyiinta Yemen ay ku weerarreen gantaal ballistic-ga ah.
Wasiirka gaadiidka Lubnaan, Ali Hamiyah ayaa lagu warramaya inuu ku wargeliyay diyaaradaha Iran inaysan soo geli karin hawada Lubnaan oo aysan ka soo degi karin garoonka diyaaradaha Beirut ee Rafic Hariri.
waa sunni iyo shiici labadoodu waxaaan wada dilay hal cadow !
muhiimada loo dilay waa in loo arkay labadooduba in ay cadow ku yihiin yuhuud , halka inagu aynu aminsanahay in shicadu ay cadow ku tahay suuniga ujeedada gaaladu waa dabar goynta islamka .
alle haunaxaristo dhamantod