Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, taasoo lagu wareejinayay xarunta cusub ee kaydinta iyo farsamaynta daaqa. Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin heer federaal, heer dowlad-goboleed iyo wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah.
Waxaa munaasabadda ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee Dowladda Federaalka Mudane Aadan Maxamed Cali, Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Galmudug Mudane Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole, Wasiir ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha ee Galmudug Shariif Cabdinuur Barre, Maayarka magaalada Dhuusamareeb Macallin Cabdiraxmaan Geedaqoroow, iyo madax ka socotay hay’adda FAO oo gacan ka geysatay hirgelinta mashruucan.
Xaruntan cusub oo laga dhisay meel aan ka fogeyn goobta lagu wado in laga dhiso suuqa xoolaha iyo xarunta caafimaadka xoolaha, ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka ciyaarto horumarinta nolosha dadka reer miyiga ah iyo kor u qaadidda wax-soo-saarka calafka xoolaha. Waxaana si gaar ah muhiim ugu tahay xilliyada abaarta iyo jiilaalka, iyadoo siin doonta fursad kayd iyo farsamayn lagu sameeyo calafka xoolaha, si loo yareeyo saameynta abaaraha ku yeesha dhaqaalaha xoolo-dhaqatada.
Mas’uuliyiintii ka hadlay madasha ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay xaruntani u leedahay xoojinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Galmudug, waxayna uga mahadceliyeen hay’adda @FAO@FAOSomalia iyo dowladda Denmark doorka ay ka qaadateen hirgelinta mashruuca.#ILASOCO
Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxman Aadan “Shub” ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, waxaana garoonka diyaradaha ku soo dhaweeyay maamulka gobalka Mudug, kan degmada Gaalkacyo iyo saraakisha qaybaha kala duwan ee Ciidamada.#ILASOCO
Dhuusamareeb: Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta dhagax dhigay dib u dhiska iyo casriyeynta Isbitaalka guud ee Gobolka Galguduud, kaasi oo loo dhisayo qaab casri ah.
Mashruuca dib u dhiska Isbitaalka oo gacanta lagu hayo ayaa ka kooban dhismayaal casri ah oo laga hirgalinayo qaybaha isbitaalka iyo qalabeynta Isbitaalka si uu u daboolo dhammaan baahiyaha caafimaad ee deegaanka ka jira.#ILASOCO
Taliyaha qaybta guud ee Booliska Galmudug, G/le Sare Khaliif Cabdulle Malin, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Nuur International Airport, oo haatan dhismihiisu ka socdo magaalada Dhuusamareeb. Taliyaha waxaa kormeerkan ku wehlinayay saraakiil sare oo ka tirsan booliska Galmudug iyo mas’uuliyiin kale oo Dowladdeed.
Ujeedka kormeerka ayaa ahaa:
• In lagu qiimeeyo heerka uu marayo dhismaha garoonka.
• In la hubiyo tayada iyo amniga goobta dhismaha.
• In booliska iyo maamulka shirkadda ay iska kaashadaan ilaalinta deegaanka garoonka inta lagu guda jiro dhismaha.
Taliyaha Booliska Galmudug, g/le sare Khaliif Cabdulle Malin, ayaa warbixin faahfaahsan ka dhageystay maamulka shirkadda SOM-Central Construction Company, taas oo ku saabsanayd heerka uu marayo dhismaha, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka.
Taliyaha ayaa ku ammaanay shirkadda sida hufan ee ay uga shaqeyneyso dhismaha garoonka, isagoo xusay in garoonkani uu muhiim u yahay horumarka guud ee Galmudug, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, iyo isku xirka bulshada.
Sidoo kale, taliye Khaliif Cabdulle Malin ayaa ballanqaaday in booliska Galmudug ay si buuxda u garab istaagi doonaan dhammaan howlwadeennada mashruuca, si loo xaqiijiyo in dhismaha uu u socdo si nabad ah oo ammaan ah.
Garoonka Ugaas Nuur ayaa la filayaa in marka la dhammeeyo uu noqdo mid casri ah oo buuxiya baahida duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibadda, isagoo kor u qaadi doona xiriirka Galmudug iyo gobollada kale ee dalka.#ILASOCO