Waxaan maantay si rasmiya u daahfuray Shirka Jihaynta Siyaasada Xukuumada cusub ee Dowladda. Kaas oo ay u jeedadiisu tahay in laga miro dhaliyo Qorshaha Shanta sano ee soo socota iyo in la amba qaado xaqiijinta Himilooyinka ay leedahay Xukuumadu.
Waxaan ka tacsiyeynayaa Geeridii ku timi Alle ha u naxariistee Xil. Mohamed Faarax Mire oo ka tirsanaa Golaha Baarlamaanka Puntland.
Waxaan ilaahay SW uga baryaaya in Jannatul Firdowsa ka waraabiyo samir iyo imaana ka siiyo Qaraabadii Ehaladii iyo dhamaan shacabka Puntland.
Waxaan mahadcelin balaaran u jeedinayaa Golaha wakiilada oo maantay ansixiyey Golaha cusub ee xukuumadda. Waxaan ilaahay SW uga baryaaya in uu ufududeeyo dhamaan howlaha shaqo ee horyaala. Sidoo kale waxaan shacabka reer Puntland ka rajaynayaa in ay la shaqeeyaan Golaha Xukuumada
On behalf of Puntland People I would like to express my most profound condolences for Paul anthony's death. Our prayers are with Pual's Family, Friends and DP World Company. I would like also to sencirely hope a quick recovery for those who were injured in that beastly attack.
Waxaan maanta si rasmi ah ula wareegay xarunta madaxtooyada Puntland. Waxaan u mahad celinayaa MD Abdiweli Gaas iyo xukuumadiisi. Waxaan ilaahay SW ka rajeynayaa in uu towfiiqda i waafajiyo Shacabka reer puntland-na ay ila shaqeeyaan oo igula garab galaan xilkan ay ii igmadeen.
Waxaan saaka booqday Wasaarada Maaliyadda ee Dowladda Puntland oo ay ka socotay howl maalmeeldka shaqo ee wasaarada.
Dib uhabaynta Nidaamka Maaliyada iyo kobcinta dhaqaalaha Puntland waxay ay qayb weyn ka noqon doontaa Qorshe siyaasadeedka xukuumada si loo helo nidaam dhaqaale
Maantaty waxaan kulan qado sharaf ah u sameeyey Murashaxintii u tartamaysey hogaanka sare ee Dowladda Puntland, dhinaca kale waxay fariin u ahayd shacabka reer Puntland oo soo galay loolan siyaasadeedkii doorashada in maantay loo midoobo horumarinta iyo Dowladnimada Puntland
Waxaan maanta si rasmi ah u shir gudoomiyey shirkii khamiislaha ahaa ee Golaha xukuumada Puntland kaas oo aanu ku gorfaynay xaaladaha guud ee Degaanada Puntland iyo Caqabadihii hortaagnaa xukuumadii hore ee uu hogaaminayey Madaxweyne Gaas
#TiigsiIyoTayeyn#Puntland
Waxaa aniga iyo Madaxweyne K/Xigeen Ahmed Cilmi karaash kulan la yeelanay Gudoonka sare ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland kaas oo aan uga hadalnay Howlaha shaqo ee na horyaala iyo in la helo xiriir wadashaqayn oo ka dhaxeeya laamaha fulinta iyo sharcidejinta Puntland