DUQ MADOOBE IYO DAAROOD ISMAACIIL
(Qoraal quseeya Jaalle Daaroodka oo kali ah).
Sagaal iyo Toban sannadood ka hor gugii [2005] ayaan maqlay magaca Axmed Madoobe. Aniga oo dalka ku laabtay maalinkii ayaan habeenkii ka dhageeystay idaacaddii Horn Afrik. habeenkaas doodda waxaa looga hadlayay ciidan Axmed Madoobe uu ku diyaarsanayo Raaskambooni, si uu weerar ugu soo qaado dowladii AUN. Madaxweyne Abdullahi Yusuf Ahmed, una garabsiisyo garabkii ka soo horjeeday — Taas oo markii danbe gaartay-ba heer inuu Madoobe soo iibiyo gaarigii lagu qarxiyay laguna dili lahaa madaxweyne Abdullahi sida uu dhawaan wareysi ku sheegay wasiirkiisii amniga Abdirashid Janan.
20 sano kadib, Axmed Madoobihii 2005 iyo kan maanta jooga waxba iskama baddalin marka laga reebo hadba nuuca riinji ee uu garka soo marsado.
Su’aalo dhoowr ayaan hordhigayaa dadka qaangaarka ah, maankooduna uu taamka yahay ee qabyaalad-Daarood-nimo ama ku-xumeeyn Xasan Shiikh ama Hawiye ku difaacaya Madoobe:
[1) Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo Madaxweyne Farmaajo ma Hawiye ayay ahaayeen mise labo madaxweyne oo Daarood ah soo isaguba labadaba lama diririn?
[2] Muxuu labadaba siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan ula dagaallamay haddii Daaroodnimo jirto?
[3] Intii ay Soomaaliya ka dhaceysay doorasho madaxweyne, Axmed Madoobe cimrigiisa madaxweyne federaal ah oo Daarood ah ma dhisay?
[4] Intii Axmed Madoobe hubeeysnaa 2 madaxweyne oo federaal ah [Abdullahi iyo Farmaajo] iyo 7 jeer oo Ra'isalwasaare oo Daarood ah [Omar Abdirashiid oo labo jeer ah, Farmaajo, Abdiweli Gaas, Saacid, Abdiweli Sh. Ahmed iyo Xamse Barre] ayaa Soomaaliya soo maamulay. Intaas, midkood waligiis Madoobe si sharaf iyo milgo leh ma ula shaqeeyay, mise dhammaantood marka Abdullahi Yusuf oo dhintay laga reebo waxeey maanta noolyihiin iyaga oo aragtidiisu dhibeeyso?
[5] Hadda, Soomaaliya waxaa Ra'isalwasaare ka ah nin Daarood ah, Kablalax ah, Kuumade ah, Absame ah, Ogaadeen ah, Reer Cabdulle ah, waliba isaga abaal-rageed kuleh, oo labbo jeer soo dhisay, dakano siyaasadeed, mid deegaan, qabiil iyo shaqsiyadeed-ba u soo galay; walaaloow iyo walaaleey aan ku waydiiyee: maanta Xamse walaalkiis Axmed Madoobe ma hiil-walaal ayuu ka dhaxlay mise hagar cadaawe?
[6] Dowlad-deegaanka Soomaalida waxaa hadda madaxweyne ka ah nin Ogaadeen ah, sharaf iyo sumcad-na lagu tilmaamo intuu awoodo [Mustafa Cagjar] aan wax-is-warsi ma xumee, Axmed Madoobe maanta Cagjar ma cadowgiisa koowaad ayuu u yahay mise calool-fiyoobi ayaa ka dhexeeysa?
[7] Puntland, oo laga soo billaabo Faroole ilaa maanta kaarka Daaroodnimada u xogeeysay, yaa ka jawaabi kara alle-hortii Axmed Madoobe marnaba abaalkoodii ma celiyay mise markii uu ku dangaaray ayuu 2022 ka raacay Xasan-kaay maanta is-hayaan?
[8) Saciid Deni naf iyo maal-ba u huray Axmed Madoobe maalinkii xaalku ku adkaa (2019), iska dhaaf xeer-rageed, inuu madaxweyne federaal ah ka dhigo ama abaalcelin'e ninkii intaas u galay inuu xafladiisii caleemosaarka ee Garoowe ka soo qeeybgalo ma u quuray?
[9] Shalay (2020) markii ay siyaasiyiinta Puntland, SSC iyo Farmaajo oo wada socda ay Senator Timacade oo Dhulbahante ah u soo dhisayeen guddoonka aqalka sare, Madoobe, musharax Senator Timacade Daaroodnimo ma ku aqbalay oo ma dhisay mise Ilyaas Gaboose ayuu ku qataaray iyadana oo aanay Dhulbahante hal kursi ku laheeyn kuraasta sare ee dalka aag dagaal-na uu ku furanyahay?
[10] Mareexaanka ballaaran ee Gedo fadhiya ee uu madaxweynaha uyahay maalin qura ma booqday oo xaalkooda si odaynimo iyo Daaroodnimo leh ma ugu kuur galay mise cadaawad horleh iyo naceyb ayuu ku sii beeray kooxda kooban ee uu waxeeyo?
[11] UGU DANBEYN: Hadda, haddaad idinka oo intaas oo xumaan ah ku wada-og, ugu hiillisaan Daaroodnimo isaguba diiday, ku-xumeeyn Xasan Shiikh ama Hawiye ee, oo uu sababta hiilkiinna darteed guuleeysto, markii doorasho la gaaro, ma idinku jiraa qof garashada xor ka ah, oo rajo ka qaba inuu Axmed Madoobe taageerayo ama soo dhisayo musharax madaxweyne oo Daarood Ismaaciil ah ?
Somalia contributes 0.03% to greenhouse gas emissions.
But as I just witnessed, Somalis are among the greatest victims of the chaos caused by the climate crisis.
From Somalia today, my appeal to the world is clear: #ActNow to prevent catastrophe.
Waa yaab iyo amakaag in calankii buluuga ahaa Somali national flag aanay muhiimad ugu fadhiyin Isla madaxweynaha dawlada f soomaaliya,waa yaab kale in puntland oo maanta markii ugu horraysay hir gelisay doorasho qof iyo cod ah ok taariikhi ah aanay wax macna leh ka so qaadin dfs
This year’s SSC-Khaatumo Cleaning Day on 18th May will be the biggest cleaning day by far. A lot of youths have already registered for volunteering. Sanity is very important in SSC regions. If you want to volunteer please reach out to me.