QARAARKA GOLAHA WASIIRADA EE KU AADDAN HABDHAQANKA GURRACAN IYO FARAGELINTA QAAWAN EE DAWLADDA ITOOBIYA.
Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Markii ay arkeen:
Qodobada 99aad xarfihiisa (a) iyo (f) iyo Qodobka 54aad xarfihiisa (a), (b) iyo (c) ee Dastuurka dalka;
Markii ay arkeen:
Axdiga Vienna ee ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed gaar ahaan Qodobkiisa 12aad oo xeerinaya in dowladda soo dirsatay ergada diblomaasiyadeed ee martida ah aysan xafiisyo ka furan karin meel ka baxsan meesha uu madaxa ergadu uu ka howlgalo, haddii aan oggolaansho cad laga helin dowladda martida loo yahay;
Markii ay arkeen:
Axdiga Vienna ee ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed gaar ahaan Qodobkiisa 41aad faqradiisa 3aad oo xeerinaysa in xarumaha diblomaasiyadeed aan loo isticmaali karin ujeeddooyin ka baxsan shaqada uu sharcigu u oggol yahay ergada diblomaasiyadeed ee martida ah;
Markii ay garowsadeen:
In faragelinta qaawan ee Dowladda Itoobiya ku heyso arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay xadgudub ku tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dalka Soomaaliya;
Waxa ay soo saareen qodobbada soo socda:
QODOBKA 1AAD
XIRITAANKA QUNSULIYADAHA ITOOBIYA
1. Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.
2. Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.
QODOBKA 2AAD
XADGUDUBYADA
1. Diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkaan waxa ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana laga qaadayaa tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka.
QODOBKA 3AAD
DHAQANGALKA
1. Wasaarada arrimaha dibedda waxaa la farayaa in ay qaraarkan si rasmi ah u gaarsiiso dawladda Itoobiya, kuna wargeliso Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in uu dalkiisa la tashi ugu laabto.
2. Qaraarkaan waxa uu dhaqangelayaa marka ay ansixiyaan Golaha Wasiirada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uuna saxiixo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
These 2 grown men are making money from TikTok games using Qabiil. Instead of funding qabiil wars, please donate that money to the people back home facing severe drought and famine. Say no more Qabyaalad.
Ku dhufo link-ga hoose si aad uga jawaabto Su’aasha jimcaha
Guuleystaha 1-aad waxa uu heli doonaa abaal marin $100, halka guuleystayaasha 2 & 3-aad ay heli doonaan hal bil oo Internet bilaash ah:
Shuruudaha
1- Follow dheh
2- Retweet-garee Post-ga
https://t.co/CEBHBfOAmq
HH the Amir sent a written message to President of the Federal Republic of Somalia, pertaining to the bilateral relations and ways of enhancing and promoting them, in addition to the recent political developments in Somalia. #QNA
https://t.co/XzmyRDSexg
تم الانتهاء من إنتاج طائرة جوك سونجور المسيرة الهجومية القادرة على التمويه وتعريف نفسها على أنها طائرة إف 16 للرادارات، وتبلغ سرعتها 1600 كلم في الساعة وهناك تسريبات تقول ان أول مهامها ستكون في #الصومال لمساعدة الجيش الصومالي في تأمين حدودهم والدفاع عن أمن بلادهم ومحاربة الإرهاب
“Gebigeed adduunyada
Gobol-gobol u qaadoo,
Hablo weerar geli kara
Hablo geela dhicin kara,
Hablo geesi dili kara
Gobonimana hanan kara,
Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara,
Garashana iskaga mida
Quruxdana ka wada gob ah,
Geesteena mooyee Gayi kale ma joogaan”
Alxamdullilaah🙏
Today My Covid19 Test was Negative 🤗
Thanks all my family,freinds N also my veiwrs those who made dua for me to recover. Alhamdulilah im fine. Stay safe🤗