Maamulka Somaliland ayaa beeniyay warar saacadii la soo dhaafay la isla dhexmarayay oo sheegayay in Hargeysa laga sii daayay qaar ka mid ah maxaabiista Waqooyi Bari ee halkaas ku xiran.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Barkhad Jaamac Batuun oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aysan jirin maxaabiis ay wareejiyeen.
Barkhad Batuun ayaa yiri "ma jirto meel maxaabiis lagu wareejiyay, waana arrin u taalla xukuumadda". Barkhad wuxuu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay dhagaha ka fureystaan wararka kicinta iyo been abuurka.
Hadalka wasiir Barkhad wuxuu ku soo adaay, xilli shalay baarlamaanka maamulka Waqooyi Bari uu soo saaray qaraar lagu maxkamadeynayo maxaabiista Somaliland ee ku xiran magaalada Laascaanood.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa gacanta ku haya in ka badan 200 oo maxbuus, kuwaas oo lagu qabtay dagaalkii Goojacade ee 25 Agoosto 2023, halka maamulka Somaliland uu hayo maxaabiis aan tiradooda la xaqiijin oo lagu qabtay dagaallo ka dhacay Sool iyo Sanaag.
Puntland Post
Ciidamada PSF ayaa baneeyay xaruntoodii magaalada Gaalkacyo ee Puntland, iyaga oo u guuray xaafadda Baraxley ee dhanka maamulka Galmudug.
Ciidamada PSF oo xaruntooda labaad ee Puntland ku lahaa meel u dhow garoonka diyaaradaha Gaalkacyo waxay guureen kaddib markii ay agagaarkooda soo dageen ciidamo farabadan oo ka tirsan Puntland.
Ciidamada PSF ayaa dhanka Galmudug la aaday 5 gaari oo ay haysteen, waxaana xaruntoodii ciid carakaabo ah ku jartay dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo.
PSF oo hadda sheegta in ay ka tirsan yihiin ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa dhawaan lagala wareegay 8 gaari, kaddib dagaal ka dhacay deegaanka Laag ee degmada Boosaaso.
Puntland waxay sheegtay in aysan jirin ciidan la yiraahdo PSF oo si sharci ah uga tirsan ciidamadeeda difaaca iyo ciidan ka tirsan Federaalka oo ka howlgala deegaannadeeda, sida lagu xusay war-saxaafadeed habeen hore ka soo baxay madaxtooyada.
Puntland Post